Qorilugud oo laga Bilaabay Nidaamka Qorsheynta Magaalada

0
531

Qorilugud (Dawan):- Dawladda hoose ee degmadda Qorilugud,ayaa bilawday nidaamka qorshaynta magaalada oo lagu hagaajinayo dibna loogu qaabaynayo hannaanka magaalada iyadoo la bannaynayo dhammaan waddooyinka gudaha magaalada u kala gudba ee dhismayaashu soo galeen.

Nimaaminta magaalda iyo hawsha qorshaynta oo maalmihii u dambeeyayba socotay oo ay ku hawlanaayeen maamulkadawladda hoose ee degmada Qorilugud,ayay dadweynaha magaaladu aad u soo dhaweeyeen.

Gudoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Cumar Faarax oo ka hadlyay hannaanka dib u qorshaynta magaalada ee ay wadaan,ayaa sheegay in muddo haaf qarni ka hor ah lagu guulaystay in markii ugu horraysay sarya laga sameeyo,taasoo muddo badani ay ka soo wareegtay dibna aan wax qorshayn ah looga samayn laakiin ay hadda mar labaad ku guulaysteen in ay qorshayn dhammaystiran oo magaalada lagu nidaaminayo in ay sameeyaan.

Maayerka oo ka hadlaya qorshaynta magaalada iyo bannaynka waddooyinka ee ay wadaan,ayaa yidhi “Waddadan dhererkeeduna waa shan KM, balaceeduna waa sadex mittir, 55-sanadood ayaa la degenaa mana laha wax sarfey ah oo xilligaa ka dambeeyay madaxweynaha qaranka Somaliland maalintii ololihii haddii aanu na siinin gaadhigaa iska rogada ah waxba noomay qabsoomeen biyahaasi kadinka noo joogana haddii aanu noo dhagax dhigi laheyn waxba noomay qabsoomeen, waxaa kale oo aanu u mahad celineynaa wasaaradda hawlaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo noo soo dirtay injineeradii sarfeynka magaalada Qorilugud waday”

Waxaa kale oo ka hadlay hannaanka qaabaynta magaalada ee ay wadaan Xildhibaan Axmed Xandule oo kamid ah mudaneyaasha golaha deegaanka ee degmadda Qorilugud,waxaanu farriin u diray bulshada degmaa Qorilugud ee dalka iyo dibedda ku kala nool oo uu u soo jeediyay in ay qayb wayn ka qaataan horumarinta degmada ee dhanka adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada iyo in ay maal shadaanba.

“Quruxda iyo sharafta ay leedahay maanta degmadda Qorilugud waxaanu dooneynaa oo aanu bulshada ka codsaneynaa wixii wax ka tari kara baahida degmadda in deg deg aad noo soo gaadhsiisaan qofkasta oo reer Qorilugud ah si uu u helo faa’iidada jidadkan dhexmaraya magaalada waxay yidhaahdeen gurigeyga mari hadii ay ku dhacdo wadadu”ayuu yidhi xildhinaanku.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply