“Wixii Dhaliil Jirta Aamusnaan Ayaannu ku Saxaynaa Haddaad Cidkasta u Jawaabta…”

0
453

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horrumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in hadal kasta ka jawaabistiisa aanay wakhti badan iskaga luminayn, isla markaana ay xukuumad ahaan ka door bidyaan in cidkasta ay u jawaabaan in ay shaqada ay qaranka u hayaan gutaan.

Waxaanu intaa raaciyay in wixii dhaliil ah ee jirta ay aamusnaan ku saxayaan oo ay aqbalayaan dhaliilaha jira toosintoioda.

“Haddii aanu wax walba ka jawaabno oo qofkasta u jawaabto la mid ayuun baad noqonaysaa waxaanad ka mashquulaysaa shaqadii aad qaranka u haysay,waxaanan jecelnahay in wasiir walba shaqadiisa lagu tixgaliyo 17 mashruuc ayaanu qabanay intii aan wasaarada joogay mana faano waajibka aan leeyahayna in aan ku faano maaha.iimana muuqato in ay habacsanaani jirto xukuumadduna wax badan ayay wax ka qabatay wixii dhaliila ee jirtana aamusnaan ayaanu ku saxaynaa,”.

Waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyay beddelaadda summada baabuurta oo uu sheegay in ay tahay qorshe laga soo baaraan degay oo laga soo shaqeeyay isla markaana loo raacay xeer qaran oo dalku leeyahay oo ah xeerka waddo marista.“Qorshaha lagu bedelayay lambarada baabuurtu muu ahayn qorshe laab la kac ah ee waxa aanu samaynay daraasad lambarku waa hanti qofku leeyahay lambarka oo qudha lama bedelo ee nidaamkii baabuurta oo dhan ayaa la bedelayaa, waxaana waajibinaya xeerka Waddo marista xeer 56 ayaana qoraya in gobolo laga dhigo sumadda baabuurta ,Itoobiya oo innoogu dhawna lambarada gobolo ayaa ku qoran , waana arrin aad u jaban in la yidhaahdo gobolo ayaa qabiil lagu garanayaa,”.

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay muddadii uu xilka hayay waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay u marayso wadada isku xidha Burco Ceerigaabo oo ah waddo qaranka Halbawle u ah oo waxbadan ka taraysa isku xidhnaanta dalka. “Wajiga labaad ee samaynta wadada Ceerigaabo way ka duwanaanaysaa sidii hore waxaana jira dhul biyo mareenno ah wadadu ku beegantay qorshihii ayaanu ku gudo jirnaa waxaanan rejaynaynaa in 40 KM ee noo hadhay aanu dhamaystirno”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply