Shir Nabadayn ah oo Maanta ka Furmaya Magaalada Laascaanood

0
504

Laascaanood (Dawan)- Shir nabad lagu dhex dhigayo laguna heshiisiinayo laba beelood oo dhawaan shaqaaqo ku dhexmartay Koonfurta gobolka Sool ayaa maanta ka furmaya magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana la filayaa in shirkan nabadaynta ah la isku soo hor fadhiisiyo madax dhaqameed kala metelaya labadda beelood ee dirirtu dhexmartay, iyadoo dhinac walba laga soo xulay min 21 xubnood, ergooyin madax dhaqameed ah iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool C/rashiid Xuseen Cabdulle (Gar-gaar) oo xalay telefoonka war kooban oo shirkaas ku saabsan ku siiyay wargeyska Dawan. Inkastoo badhasaabku ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo hanaanka uu shirkaasi u qabsoomi doono iyo waxa gundhig u noqonaya.

C/rashiid Xuseen Gar-gaar, oo si kooban uga hadlayay furitaanka shirkaasi waxa uu yidhi “Berito (maanta) ayuu shirkaasi ka furmayaa magaaladda Laascaanood. Ma jecli in aan ka sii hor dhaco ama wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Furitaanka shirka waxaa goob joog ka noqonaya ergooyin madax dhaqameed ah. sidoo kale waxaa ka qayb gelaya masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka waxbarashadda, guddoomiyaha golaha Wakiiladda iyo maamulka gobolka Sool”.

Badhasaabka ayaa intaas raaciyay in labadda dhinac ee la heshiisiinayo mid walba ay shirka u metelayaan min 21 xubnood oo madax dhaqameed ah. “Xubnaha ergadda kala metelaysa madax dhaqameedka labadda beelood way ku dhan yihiin shirka, salaadiin iyo madax dhaqameed kaloo badan ayaa goob joog ka noqon doona.

Labadda beelood ee la dhex dhexaadinayo mid walba min 21 xubnood ayaa laga soo xulay oo shirka u metelaysa. Halkaas ayaana la isku soo hor fadhiisin doonaa, oo loogu gar-naqayaa madax dhaqameedka labadda beelood ee dirirtu dhex martay”ayuu yidhi C/rashiid Gar-gaar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply