Da’yarta Hal Abuurka ahi Waxay u Baahan Yihiin Dhiiri Galin iyo Gacan Qabasho

0
627

Hargeysa (Dawan)- Cabdirashiid Maxamed Ibraahim, waa wiil 18 jir ah, kana mid ah da’yarta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxanna uu ka mid ahaa ardaydii sannadka dhamaystay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee degmada Maxamuud Haybe, waxaanna xusid mudan in uu wiilkani ku jiray da’yar hal abuur ah oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Mudane muuse Biixi Cabdi ku qaabilay wasriga madaxtooyada dalka.

Cabdirashiid ayaa ka mid ah dhaliinyarada uu Rabbi hibada u siiyay hal abuurka iyo samaynta waxyaabo kala duwan, waxaannu gacantiisa ku sameeyey agab badan sida, gaadiidka Badda, Laabtoob, Guluubada laydhka, qalabka wax lagu akhristo, qalabka lagu qurxiyo guryaha iyo agabka hiddaha iyo dhaqanka.

Haddaba dhawaan ayaanu wiilkan da’da yar ku booqanay hoyga uu ka degenyahay magaaladan Hargeysa, waxana aanu halkaa ku soo aragnay qalab tiro badan oo uu maskaxdiisa ka keenay samayntooda.

Qalabkan ayaa isugu jiray gujisyada badda, Maraakiib iyo Doonyo, laabtoob, Madxafyada wax lagu akhristo, iyo qalabka dagaalka sida qoryihii, seefihii, warankii iyo qalimaantii wax lagu qoraayay.

Cabdirashiid isaga oo sharraxayay waxyalaaha uu ka sameeyey qalabkan iyo xiligii uu bilaabay samayntoodaba waxa uu yidhi “mar kasta oo aan ka imaado dugsiga waxaan ku fikiri jiray sidii aan u samayn lahaa wax cusub waxaannan bilaabi jiray sidii aan u hirgalin lahaa waxa maskaxdayda ka guuxaaya, waana taa mida keentay inaan sameeyo waxaa idiin muuqda ee qolkan buuxiyey.”

Hal abuurkan da’yar oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “runtii ma haysto wakhtiguna iimuu saamixin inaan helo qalabkii aan u baahnaa ee aan wax tayo leh ku soo saari lahaa. Balse agabkan idiin muuqda waxaan ka sameeyey inta badan looxaan, karaatoon, xabag iyo xadhkaha yaryar ee korontada, halka laabtoobka, maskaxda koobiyiitarka, iyo kan wax lagu akhristaaba ka kooban yihiin looxaan iyo waxyaabo kale oo aan isu geegeeyey, waxa kale oo jira qalimaantii oo aan iyagana ka sameeyey qoryo waa qalin biiroogii oo shaqaynaaya waxna qoraaya”.

Cabdirashiid Maxamed Ibraahim waxa uu sheegay inuu hadda aad ugu baahan yahay cid ku gacan qabata sidii uu u sii wadan lahaa wax barashadiisa jaamacada waxaannu yidhi “sannadkan ayaan dhameeyey dugsigii sare balse waxaan jeclaan lahaa inaan sii wato waxbarashadayda heer jaamacadeed. Balse nasiib darro ma awoodo inaan iska bixiyo, sababta oo ah qoyskaygu ma haysto dhaqaale ay igaga bixiyaan jaamacada.

Sidaa darteed waxaan iska joogaa xaafada aniga oo isku mashquuliya samaynta alaabooyinkan.”

Sida oo kale waxaan wax ka waydiiyay wiilkan sida uu u arko martiqaadkii uu dhawaan u fidiyay Madaxweyne Biixi isaga iyo dhaliinyaro kale oo sameeyey wax soo saar kala duwan waxaanu yidhi “runtii kulankii uu madaxweynuhu nala yeeshay wuxuu ahaa mid wanaagsan oo na dhiiri galinaaya. Laakiin ma jirto cid maalintaa ka dib na soo xasuusatay, waxaan is leeyahay qarankiinu idinma ilaabine xaaladaha dalka iyo shaqaaqooyinkii Gobollada Bari ayaa laydinkaga mashquulay, waxaannan rajaynayaa in naloo soo jeedsan doono insha allaah.”

Ugu dambayn waxa uu Cabdirashiid ka codsaday xukuumadda, ganacsatada iyo Bulshada reer Somaliland ba inay gacan siiyaan isaga iyo dhamaan dhaliinyarada kale ee wax soo saarka sameeyey. Isla markaana maskaxdooda laga faa’iidaysto si ay iyaguna u soo bandhigaan wax tayo leh oo anfaca dalkooda iyo dadkoodaba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply