Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Dhinaca Dekedaha

0
433

Mombasa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Mombasa ee dalka Kenya, ayaa ka wada shaqaynaya qorshe lagu abuurayo iskaashi ay yeeshaan dekedaha Berbera ee Somaliland iyo Mombasa ee waddanka Kenya.

Wakaalladda wararka Somaliland, ayaa baahisay warbixin ay ka soo xigatay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana warkaasi oo ay SOLNA soo turjuntay u dhignaa sidan:-

“Badhasaabka gobolka Mombasa, Xasan Joho iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar, ayaa wadajir u falanqeeyey sidii labada dekedood ee Mombasa iyo Berbera ay u yeelan lahaayeen iskaashi shaqo.

“Hadafkayagu waa sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dekedood, si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Kenya. Waxaanu doonaynaa inay dekeduhu ka wada shaqeeyaan wixii dan u ah marsooyinka labada dal,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Mombasa Xasan Joho.

Waxa kale oo uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu casriyeynta marsadda Berbera ee Somaliland, oo uu ku dooday inay u wanaagsan tahay mandaqada oo dhan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in dekedda Mombasa oo ah marsadda ugu mashquulka badan Geeska Afrika, ay doonayaan inay wax ka korodhsadaan.

Baashe Cawil wuxuu u sheegay Wargeyska Daily Nation in ay u soo bandhigeen madaxda gobolka Mombasa waxyaabaha dekedda Berbera ku wanaagsan tahay sida ganacsiga dhoofka xoolaha, waxaanu xaqiijiyey inuu u soo jeediyey ganacsatada xoolaha Mombasa inay wixii waayo aragnimo ah kala shaqeeyaan marsadda Berbera.

Badhasaabka Mombasa waxa uu machadka tabobarka dowladda Kenya ku soo dhaweeyey ardayda reer Somaliland ee barata culuumta baddaha.

Ugu dambayn, Daily Nation waxa uu weriyey in ballaadhinta dekedda Berbera ee ay fulinayso Shirkadda DP World oo xukuumadda Somaliland la gashay heshiis ay ku baxayso lacag dhan $442 Milyan oo Doolar, kaas oo qorshuhu yahay inay noqoto marin ganacsiyeedka Geeska Afrika.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply