WEEDHA WARGEYSKA Xeerka iyo Xisbiguba Waa Marag

0
481

Dawlad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una horumariso dadkeedda, gaar ahaan cida awoodDa haysa dadka ka fog, ha ahaato fogaansho qabiil, dhaqaale, Xisbiyeed iyo diimeed. Laakiinse aan lagu qiimayn sida ay uga faa’iideen dadkii xaalkoodu wanaagsanaa markii hore ama sida ay u faa’iideen kuwa ka ag dhaw cidda xilka iyo awooddu gacanta ugu jirto”.

Sidaas waxaa laga soo xigtay LARRY BRILLIANT oo ah guddoomiyaha The skoll global threats Fund.

Dabadeed, waxaa qalinku is weydiiyay Xukuumadda Kulmiye ee cusub. Si kale haddii aynu u dhigno Xukuumaddan Madaxweyne Muuse Biixi xisbiyahanaddii la soo tabcay ee aadka ulla soo shaqeeyay doorashadii ma u dhow yihiin oo dadka kale ma ka xigaan ayay noqotay. Qodobkaas qalinku isaga oo aan faaqidin, waxaa soo baxay oo ka marag kacay ficilka guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga taladda haya Jaamac Shabeel iyo Xoghayaha guud Xassan Siciid oo iyaggu isku mudhux sadday. Waxaana haddalkoodda dhaliisha iyo difaaca ahi uu muujiyay in xisbiga taladda hayaa yahay marka koobaad dimuquraadi oo dhexdiisa la is dhaliilo, la isna toosiyo, waxaa kale oo ay ka marag kaceen in aanay Xisbi ahaan maadaama ay u dhaw-yihiin taladdii aanay eexanayn oo taasi ka qarrinayn haddii ay dhalliil arkaan iyo in aan iyagga loogu eexanayn oo aan madaxtooyaddu xisbiyadda kale ka soo dhaweysan ee ay tallo iyo timaanba ulla siman yihiin inta ka fog ee aan la soo shaqeyn.

Waa qodob, Waxaa kale oo dawladda wanaagsan ama aan wanaagsanayn lagu qiimeeyaa hannaanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo maamulka dalku uu marro iyadda oo la eegayo ma nidaam hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaasadaha dawladeed baa misse ma’aha. In kasta oo taasi weli deg-deg tahay oo aanay dawladdu weli sanadba gaadhin oo ay ku jirto ka soo kabashadda dhiig-bixii doorashadda, iyo dib u dhiska iyo qiimaynta laamaha kala duwan ee dawladda, Islamarkaana ay la mid tahay uun Ilmo-yar oo weli da’dii fadhi barashadda ku jira oo laga rabbo inuu orddo oo wax taro. Haddana, waxaa taas daliil u ah miisaaniyadda koowaad ee Xukuumaddan oo halkii ay awal ka ahayd sannadaha badan ee ay Somaliland jirtay ee todoba iyo labaatanka ah kharash uun 100% maadaama dhaqaaleheenu kooban yahay, doorkan waxaa aad uga dhex muuqday wax-qabad. Waxaana la rajaynayaa in sanadka labaad la isa soo gaadhsiiyo ugu yaraan waxqabadka iyo kharashka. Weliba waxaa la eeggi doonaa midhaha waxqabadkaas oo lagu qiimeyn doonaa marka sanadka koowaad dhamaaddo.

Tusaale ahaan Kontankii kun ee Saacaddood ee saraca ahaa ee ay dawladdu beertay shacab wax loo qaybiyay iyo wax toos dawladdu u maamulaysaba midhaha ka soo go’ay ma gaadheen heerkii la rabay, intee in leeg ayayse Qaranka ka daboolayaan baahidda dhinaca Cuntadda, ma tahay heerkii la rabay misse maya. Qallinku waa tusaalayaal uun waxaa uu waddaaye garro.

Ta kale, waxaa laga qiimeeyaa dawladda wanaagsan codka qofka awoodda leh iyo shacabka labaduba ma ka dhex muuqdaan taladda oo ma la dhageystaa marka ay tahay qorshaynta, qiimeynta iyo hirgelinta intaba. Tanna, waxaan is leenahay waxaa cadayn u ah in taladda shacabku iyo ummada waxgaradkeeddu saameyn leeyahay oo la dhagaysto Xeerka Kufsigga ee Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland shaaciyay in dib loo eegayo iyadda oo uu maray nidaamkii xeerarka oo dhan ee Baarlamaanka, Madaxweynuhu saxeexay faafintii rasmiga ahaydna la geliyay. Haddana maadaama Cullimaddii iyo waxgaradkii ummadu tilmaantay in uu dhalliilo leeyahay oo aan ummadda dani ugu jirin. La isma dhagatirin’e, waa la dhagaystay waxaana Xukuumaddu cadaysay in ay arrintaas la eegayso shacabka. Sidaas darteed, waxaa Qallinku is leeyahay dhowrkan qodob iyo inta la midka ahiba waa uun iffafaalle wanaagsan, hadda qallinku bir kumma goyn oo weliba haddii aad hayso akhriste cakiska intaas aynu xusnay qudheedu kaba sii wanaagsan oo waxaa ay markhaati ka tahay in aynu hore u socono oo aynaan waxna duuduub ku liqeyne aynu wax kasta aad u faaqidayno oo dhinacyo baddan ka eegayno’e, maxay kulla tahay?

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply