Warbixin Caalamiya oo Majeeratay Waxbarashadda Somaliland

0
398

Hargeysa (Dawan)- Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday in horumar ballaadhan iyo isbeddel laga sameeyey waxbarashadda jamhuuriyadda Somaliland oo ay kordheen wiilasha iyo hablaha dugsiyada la qoraa.

Sida ay werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xiganaysa warbixin shalay ay soo saareen Midowga Yurub oo lagu sheegay in wasaaradda waxbarashadda Somaliland, Midowga Yurub iyo hay’adda Global Partnership For Education, ay 17-kii iyo 18-kii bishan wadajir ugu qabteen Hargeysa shir ay dib u eegis ku sameynayeen qorshaha waxbarashadda ee dalka.

Warbixinta Midowga Yurub waxa lagu caddeeyey in shirkaas lagu qiimeeyey hadafkii la hiigsanayey, waxa kale oo lagu dejiyey qorshe hawleedka tacliimeed ee sannadka 2019ka, kaasi oo waafaqsan barnaamijka waxbarasho 2017ka illaa 2021ka.

Midowga Yurub waxay intaas ku dareen in himilooyinka waxbarashadda Somaliland ee sannadka 2019ka ay ka mid yihiin in kor loo qaado ka qaybgalka waxbarashadda ee wiilasha iyo hablaha, in la horumariyo tayada waxbarashadda, tababarka macalimiinta iyo in la xoojiyo maamulka waxbarashadda waddanka.

Waxa kale oo warmurtiyeedka lagu xaqiijiyey in xukuumadda Somaliland ballanqaaday inay kordhiso xaddiga miisaaniyadda ee dhinaca waxbaraashada oo la gaadhsiiyo 13% sannadka 2021ka.

Geesta kalena, wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa iftiimiyey in ay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay ka dhabeyso qorshaha waxbarasho ee dalka, iyadoo kaashanaysa bah-wadaagta kala shaqeysa dhinaca waxbarashadda.

Fulgencio Garrido Ruiz oo ka tirsan saraakiisha midowga Yurub ayaa ku ammaanay wasaaradda waxbarashadda tallaabooyinka ay qaaday iyo sida ay u kordheen wiilasha iyo hablaha dugsiyadda la geeyaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply