Guddoomiyaha Gobolka Saraar oo Sheegay in ay Dagaal kula Jiraan Dhuxulaysi Sharci Darro ah oo Puntland Lagaga soo Qaaday

0
495

Caynaba (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Saraan Axmed Maxamed Xaashi, ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan dhuxulaysi sharci darro ah oo laga soo qaaday Puntland oo dhuxusha laga dhoofiyo dekedooda Boosaaso.

Waxaanu intaa ku daray in ay gabi ahaanba gobolka Saraar ka mamnuuceen in laga qaado dhuxul sharci darro ah oo laga dhoofiyo dekeda maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee Boosaaso oo u sheegay in wax kasta laga dhoofiyo isla markaana dhoofinta dhuxusha laga ganacsado oo sharci darro ah ayuu sheegay in ay dekeda Boosaaso si caadi ah uga dhoofto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay deegaamayn sharci darro ah oo deegaano dhul daaqsimeed ah oo ka tirsan gobolka Saraar oo dad calaamad sadeen oo ay doonayeen in ay ka sameeyaan baraago iyomeherado in ay baabiiyeen amarna ka soo saareen in aan la deegaaman karin dhul daaqsimeedka xooluhu daaqaan ee la wada leeyahay oo cid kasta oo lagu arko in ay deegaamaynayso in tallaabo laga qaadi doono.

Guddoomiyaha gobolka Saraar,ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu khadka taleefankaku siiyay wargayska Dawan isagoo ku sugan xarunta gobolka Saraar ee Caynaba.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay dhuxulaysiga sharci darada ah ee laga dhoofiyo dekeda Boosaaso ee maamulkaPuntland ee Soomaaliya,ayaa yidhi.”waxaanu dagaal kula jirnaa dhuxulaysi sharci darro ah oo ka badan dhuxusha la shito ee looga baahan yahay gobolka waxaana duullaan dhuxulaysi ah deegaanka ku soo qaaday Puntland oo si sharci darro ah ay dekedooda Boosaaso uga dhoofto dhuxushu,iyadoo caalamka oo dhan ay ka mamnuuc tahay in dhuxusha la dhoofiyo oo laga ganacsado si loo badbaadiyo deegaanka,ayay dekeda Boosaaso oo wax waliba ay ka dhoofaan ay si caadi ah dhuxushu uga dhooftaa taasina waxay sababtay in deegaano badan oo kala duwan in ay dhuxulaysi ka bilaabaan iyagoo lacag adeegsanaya markaa dhuxushaas ayaan dagaalka ugu wayn kula jirnaa wixii dhuxul ah ee gaadiid ku raran ee aanu qabano waxaanu u qaybinaa oo aanu ku wareejinaa ciidamada qaranka iyo booliska wixii ku hawlan dhuxul shidis ee aanu qabanona tallaabo ayaanu ka qaadnaa.”ayuu yidhi Guddoomiya gobolka Saraar.

Guddoomiye Axmed oo ka hadlayay deegaamayn sharci darro ah oo deeaanno ka tirsan gobolka Saraar la isku dayay in laga sameeyo oo lagu magaaleeyo dhul daaqsimeedka gobolka meelo ka mid ah,ayaa yidhi. “Dhulka aanu soo baabiiney waxaa ay ahaayeen dhul laga sameysanayay calaamado cusub oo lagu deegaamaynayay waxaana la doonayay in laga sameeyo baraago iyo beero intaba, goobta aanu ka baabiiney calaamadahana waa meel xasaasiya oo xoolo daaqeen ah oo dhulkii xooluhu ku noolaanayeen ah,dadkii ku hawlanaa ee calaamadahaa sameeyayna way baxsadeen markii ay ogaadeen in aanu ku soo baxnay,laakiin lagama hadhi doono.”

Waxaanu intaa raaciyay Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “inta badan waxaa gobolada bariga isku dhaca beelaha keenaa waa deegaamaynta sharci darada ah ee laga sameeyo dhul daaqsimeedka la wada leeyahay markaa si aanu u illaalinno midnimada bulshada iyo wax wada lahaanshaha waxaa naga go’an in aanu ka hor tagno wax kasta oo sababi kara in dadku dhulka kala sheegtaan waxaanan uga digayaa cid kasta oo isku dayda in ay samayso deegaamayn in tallaabo laga qaadayo oo sharciga la hor keeni doono. Dhul daaqsimeedku waa dhul ay nolosheenu ku xidhan tahay oo umaddu wada leedahay oo aan cid gaar ahi deegaamayn ka samayn karin,waxaanan faraynaa cid kasta oo amarkaa u hoggaansami wayda in ay la kulmi doonto ciqaab la xidhiidha dambiga ay gashay.”

Waxaa kale oo uu intaa ku daray Guddoomiyuhu in aanay ogolaanayn in beero sharci darro ah dhulka xoolo daaqeenka ah lagu hantiyo oo la iska ooto. “waxaa jira dad yidhaahdohalkaasi waa beer oo anigaa leh laakiin gobolka kajiri mayso beer sharci darro ah oo aan sharciyad dawladeed oo dhammaystiran aan lahayn oo la iska ooto oo dhul daaqsimeedkaumaddu wada leedahay lagu qaato cid kasta oo dhul daaqsimeedka gobolka hunguri kaga jirana waanu uga digaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply