Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Anshax Mariyay Jaamac Shabeel

0
344

Hargaysa (Dawan):- Hoggaanka xisbi xaakimka Somaliland ee kulmiye, ayaa anshax mariyay guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel).

Guddida fulinta xisbi Kulmiye, ayaa fadhi ay shalay yeesheen ku anshax mariyay Jaamac Shabeel oo guddidu sheegtay in uu ka hor yimi, una hoggaansami waayay siyaasadda xisbiga. Isla markaana ku kacay falal ka dhan ah xilka uu xisbiga u hayo ugana faa’iidaystay dano shaqsiyadeed.

Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye, ayaa ku anshax mariyay Jaamac Shabeel in ay ka qaadeen xilkii guddoomiyaha golaha dhexe iyo xubinnimadii golaha dhexe isla markaana xilkaa waxaa si ku meel gaadh ah loogu sii dhiibay guddoomiye ku xigeenkiisii xildhibaan Maxamed Jaamac Warfaa oo ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe.

War-saxaafadeed ay soo saareen hoggaanka xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Axmed Cabdi Xuseen, ayaa u dhignaa sidan:-

“Guddida fulinta ee xisbiga kulmiye, markay deristay hab-dhaqankaaga khilaafsan siyaasadda iyo shuruucda xisbiga Kulmiye. Markay u caddaatay inaad si toos ah oo badheedh ah u joogtaysay khilaafidda iyo ka hor imaantinka siyaasadda xisbiga, iyo xukuumadda Kulmiye markaad si badheedh ah u samaysay abaabul iyo kicin aad isku dayday inaad ka samayso suuqa iyo xarunta xisbiga labadaba.

Markaad meel ka dhac joogto ah ku samaysay maamuuska xilka aad xisbiga u hayso.

Markii xilka aad hayso aad u isticmaashay si khaldan, ugana faa’iidaysatay aragtidaada shakhsiga ah.

Haddaba guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye markay ogaatay in marar kala duwan si toos ay kaagala hadleen hoggaanka xisbigu arrimaha aad ku kacayso. Hase yeeshee aad ka joogi waydey. Iyada oo raacaysa qodobka 56aad ee xeerka xisbiga Kulmiye, faqradiisa 2aad, 3aad iyo 4aad.

Waxa ay go’aamiyeen in laga bilaabo taariikhda maanta (dorraad) 29, 09, 2018 lagaa qaaday xilkii iyo xubinnimadii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxaana xilka guddoomiyaha golaha dhexe si ku meel gaadh ah u sii haynaya guddoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply