Wasiir Boos oo Daah Furtay Kulan Lagu Dersayo Siyaasadda Ciyaaraha

0
351

Hargeysa (Dawan):- Kulan lagu dersayo siyaasadda ciyaaraha Somaliland ayaa  shalay ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyada iyo ciyaaraha Somaliland ayay ka soo qayn galeen wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaara, masuuliyiin dalka hore wasiiro uga soo noqday isuduweyaasha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolada dalka, ciyaartoy hore oo waayo arag ah, garsooreyaal iyo marti sharaf kale oo ku hawlan dhiiri gelinta ciyaaraha kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo uu furay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire  Maxamed oo socon doona muddo laba maalmood ah oo ay ka soo qayb galeen 70 xubnood, ayaa noqonaya mid lagu daraaseeyo siyaasadda ciyaaraha Somaliland isla markaana wax la iskaga waydiiyo qorsheyaasha hagista ciyaaraha Somaliland.

Wasiir Boos oo ka hadlayay muhimadda kulankani u leeahay horumarinta ciyaaraha Somaliland,ayaa yidhi ”Siyaasadda wasaarada ciyaaraha marka la sheegayo, waa siyaasad la doonayo in lagu dhaqo dhamaan ciyaaraha kala duwan, iyadoo la eegayo mujtamaca ay midayso, iyada oo ay ku jiraan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciyaaruhu ay ka kooban yihiin, waxaanay wasaaraddu idiinku xulatay inaad ka qayb qaadataan aqoonta ciyaaraha ee aad ku soo jirteen, ee aad debed iyo gudoba la soo wadaagteen kana soo korodhsateen inaad kulankan ka soo saartaan wax dhaxal u noqda bahda ciyaaraha kuwa hadda iyo kuwa dambe ee mustaqbalkaba , taas oo ah siyaasad cad oo lagu dhaqo isla markaana kor u qaadaysa bahda ciyaaraha noqotana mid u cuntanta, iyada oo wasaaradu aanay marnaba ka maarmin talooyinkiina iyo garab istaagiina, waxaan rajeynayaa in kulankan aad ka soo saartaan wax mustaqbal leh oo bahda ciyaaraha  iyo wasaaradduba idiinka aydo idamka ILLAAHAY”

Waxaanu wasiirki sheegay in xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay diyaar u tahay kana go’an tahay in ciyaaraha Somaliland la horumariyo oo ay la jaan qaadaan kuwa geeska afrika iyo qaaradda afrika isla markaana ay Somaliland ciyaaraha qaaradda iyo kuwa gobolkaba in ay ku yeelato sumcad ay tartamada caalamiga ah kaga qayb gelikarto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Cabdikarin Xuseen Axmed,oo isna kulankaa ka hadlay ayaa  sheegay in in kulankan ay wasaaraddu u xulatay dadkii aqoonta u lahaa ciyaaraha ee mudada dheer ku soo jiray iyo masuuliyiin sar sare oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay oo soo saari kara siyaasad cad  oo lagu dhaqociyaaraha Somaliland ee imika iyokuwa mustaqbalkaba ,waxaanu yidhi ,”kulankan wasaaradu isugu kiin keentay xubnihiina isugu jira masuuliyiin wasaaradeed, kuwo ciyaareed oo hore iyo kuwo ku hawlan haddaba sidii ay la tashi idiinkala yeelan lahayd ah sidii loo horumarin lahaa mihnada ciyaaraha , waxaana la idinka rabaa inaad ka soo saartaan siyaasad cad oo ay ka faa’iiddo wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland, idinka oo isu keenaya aqoontiina, waayo aragnimadiina fog, iyo cilmiga aad u leedihiin ciyaaraha, maadaama aad kulankan ku wada fadhidaan rag ku soo dhex jirey kontonkii sano ee u dambeeyey ciyaaraha, markaa waa in codkiina la maqlaa oo uu meel dheer  gaadhaa, waana mid loo baahan yahay in wasaaradda iyo kor u qaadista ciyaarahaba aad garab istaagtaan, oo u dejisaan siyaasad cad, haddii ay tahay garoomo, haddii ay tahay dhaqaalaha kulamada lagu qabtoba”.

Wasiirkii hore ee waxaaradda Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre ayaa isna ka hadlay muhiimadda ay leedahay in qaranku yeesho siyaasad cad oo lagu dhaqociyaaraha Somaliland isla markaana ku ammaanay wasaaradda ciyaaraha kulankan ay soo qaban qaabisay.

Wasaa kale oo kulanka hadalo ka soo jeediyay isuduweyaasha gobolada ee wasaaradda ciyaaraha oo ka hadlay baahiyaha ka jira gobolada ay madaxda wasaaradda uga yihiin dhanka ciyaaraha iyo waxyaabaha loo baahan yahay in waxc laga wabto.

Waxaa kale oo  furitaankii kulanka ka hadlay Khabiir Xasan Waraaba Cadde iyo Khadra Kaliil oo gacan wayn ku leh  bahda ciyaaraha Somaliland isla markaana hore ciyaartoy u soo ahaan jiray xilliganna dhallinyarada aad uga taageera dhanka ciyaaraha,waxaanay  wasaaradda ciyaaraha Somaliland ku bigaadiyeen kulanka miisaanka leh ee ay u qabatay in lagu daraaseeyo siyaasadda ciyaaraha Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply