Wasiirka Shaqogalinta oo Maamustay Hablo Kaalmaha Hore ka Galay Imtixaankii Dalka

0
407

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha bulshada , shaqo gelinta iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa xaflad maamus sharafeed ah u samaysay tobankii hablood ee ugu sareeyey imtixaanaadkii sannad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Dalka odhan.

 

Wasiir Hinda Gaani oo madashaasi kala hadashay hablaha dadaalka aqooneed muujiyey ayaa sheegtay in horumarka qofka uu ka horeeya ka uu ka helo dawladdiisa “waxa la yidhaahda dugsiyada dawladda malaha waxbarasho wanaagsan , waxaa farxad ii ah xukumadda uu maanta gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi in ay tobanka ugu sareeya galeen iyaga oo hablo ah oo kasoo jeeda gobolada bari meelaha ugu fog fog kana mid ah dugsiyada dawladda dadaalka waxa leh wasiirka wasaaradda iyo macaliminta idinku soo tacbay , meel kasta oo qofku joogo wuxu kusoo gaadha dadaalkiisa laakiin waxa ka horeeya horumarka uu ka helo dawladdiisa“ ayey tidhi.

Wasiirka wasaaradda sarrimaha bulshada , shaqo gelinta iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa u mahadnaqday waalidiintii tacabka geliyey ardayda si ay u gaadhaan yoolkooda “waxa aan u mahadcelinayaa waalidkii idinku tabcay ee juhdiga iyo dadaalka wakhtiga dheer idin geliyey, waxa isna mahad leh qaranka Somaliland oo la’aantii aydan halkan soo gaadheen.”

Qaar ka mid ardaydii maamuus sharafeedka loo sameeyey ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biix Cabdi iyo Wasiirka shaqo gelinta iyaga uga mahadceliyey barbar istaaga ay u muujiyeen , waxaanay halka ka cadeeyeen in ay dadaal inta ka badan samayn doono si ay u gaadhan yoolka ay hiigsanayaan.

Ugu danbayntiina waxa madasha ka hadlay Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha , guddoomiyayaasha ururrada Now iyo Nafis iyo marti sharaf kale waxaanay duco iyo dardaaran u jeediyeeen tobankii hablood ee ugu sareeyey imtixaanaadkii sannad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Dalka odhan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply