Is-Qabadka Kulmiye iyo Jaamac Shabeel Meelna Diini kama soo Gasho”

0
344

Hargaysa (Dawan): Siyaasi Maxamuud Raage Ibraahim, oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Maxamuud Cige (Jaamac shabeel).

Waxaanu sheegay Maxamuud Raage in ciriqa is-qabashadda ee Jaamac Shabeel iyo xisbiga Kulmiye aanu la xidhiidhin arrin diimeed sida dhegaha bulshadda loo gaadhsiiyay, balse ay la xidhiidho mid siyaasadeed. Sidaa darteedna ay habboon tahay in aan shacabka la marin habaabinin.

Siyaasi Maxamuud Raage Ibraahim oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa sidoo kale xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi Ka difaacay eedo uu u jeediyay Maxamed Jaamac Abgaal oo hore wasiir uga soo noqday xukuumadii Axmed Siilaanyo.

“Guddiga fulinta ee Kulmiye waxay gaadheen todobaadkan go’aan xisbiga lagaga saaray guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel. Markaa waxaan rabaa in aan saxo sida uu Jaamac Shabeel ciriqa is-qabashadda u sharaxay.

Sida uu Jaamac Shabeel u sharraxay iyo ee uu dhegaha bulshadda u gaadhay waa mid aanay waxba ka jirin. Ciriqa is-qabashadda Jaamac iyo xisbiguna mid diimeed maaha.

Xeerka kufsiga ee muddooyinkan laga hadlayay xukuumadu may curinin, balse golaha Wakiiladda ayaa curiyay, Guurtidda ayuu soo maray. Kadib na Guurtidu sixid ayay ku sameeyeen. Wakiilada ayaa lagu soo celiyay, wakiiladda ayaa xeerkan u soo codeeyay, iyaga ayaana xukuumadda u soo gudbiyay” ayuu yidhi Maxamuud Raage.

Siyaasi Maxamuud Raage, isaga oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Madaxweynuhu markii uu qaladkii ogaaday, wixii sharcigu u bannaynayay ayuu sameeyay, oo qaladkii ku jiray ayuu qabtay. Culimadda magaaladda Somaliland ayaanu la tashaday, wasiirka diinta iyo aw qaaftana wuxuu ku amray in uu arrinta xeerka warbaahinta war ka siiyo, oo xeerkaa wixii khladan ee shareecadda islaamka ka hor imanaya laga saaro.

Is-qabadka xisbiga Kulmiye iyo walaalkay Jaamac Shabeel ma aha mid la xidhiidha diin, ee yaan la marin habaabinin ayaan leeyahay. Arrintu waa is-qabad siyaasadeed, ee haba yaraatee diin meel ay ka soo gashaa ma jirto”.

Dhinaca kale siyaasi Maxamuud Raage, ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ka difaacay eedo uu u jeediyay Maxamed Jaamac Abgaal, oo hore wasiir uga soo noqday xukuumadii Axmed Siilaanyo. Waxaanu tilmaamay in arrimaha ciidanka aanay banaanayn in la faro geliyo.

Isaga oo eedahaas ka difaacayay madaxweyne Biixi waxa uu yidhi “Abgaal wuxuu sheegay in laba beelood ay madaxweyne Muuse Biixi doorteen. Taasina waa mid aanay waxba ka jirin oo madaxweynaha waxaa doortay 55% bulshadda reer Somaliland ah. waana madaxweyne qaran.

Arrinta ciidamadda ma aha mid uu wasiir hore ka hadli karro ama ay shacabku faro gelin karaan. Ciidamadda qaranka Somaliland iyo faro gelintoodu wax inoo bannaan ma aha. Waana meelaha xasaasiga ah”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply