Xarun Caafimaad oo laga Dhagax Dhigay Deegaanka Xayira

0
390

Xayira (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa shalay dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo deegaanka Xayira oo ka tirsan gobolka Togdheer, taas oo noqonaysa markii ugu horraysay ee deegaankaasi uu yeesho xarun caafimaad.

Wasiirka horumarinta caafimaadka iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana halkaasi ka gelbiyay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, madax dhaqameed, isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Togdheer iyo madax kale.

Weftiga wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland markii ay gaadheen degmada Xayira waxa ay soo dhawn ballaadhan kala kulmeen bulsho weynta deegaanka, waxaanay si rasmi ah uga qayb galeen xafladdii lagu dhagax dhigayay xaruntan caafimaad, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyay cuqaasha deegaanka, masuuliyiinta degmada, saraakiisha caafimaadka iyo guddida horumarinta deegaanka, waxaanay xukuumadda ka codsadeen in wax lagala qabto baahiyaha asaasiga ah ee deegaanka oo caafimaadku ugu horreeyo.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka mudane Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasibaddii dhagax dhiga xarunta caafimaad ee Xayira, ayaa  bulshada deegaanka kula dardaarmay in ay masuuliyad iska saaraan sidii ay u ilaashan lahaayeen xaruntaasi caafimaad ee loo dhagax dhigay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Sidii hore loo yidhi xannaanada marka aynu taagno waxaa loo baahan yahay in la ilaashado, sida aynu ku keenay amase ay ku suuragali doontana Illaahey uun baa og, tacab badan ayaa geli doonaa, dadaal badan ayaannu gelin doonaa.

Waxa aynu u baahannahay in aanay inaga kala daadan, sideedaba waxaa ummaddu wada leedahay lama ilaashado, gaadhigaasi yaa leh, dawladdaa leh, dawladdu waa dadka.

Waxaa aad ii damaqday faarriintii aheyd inaanay tuuladu gabi ahaanba biyo laheyn, waxaan ballan qaadayaa farriimihii halkan laga sheegay in aan gaadhsiiyo cidii ay khuseyso, dugsiga sidaasi wanaagsan loo dhisay ee hadana aanay macalimiintii wax mushahar ah aanay qaadan”.

Dhanka kale wasiirku waxaa uu deeq daawo ah gaadhsiiyay deegaanka Xood “Laba qoll ayaa lagu dari doonaa xaruntan caafimaadka, daawooyinkuna sidaasi ayay joogto u noqonayaan anigana maalintii iigu kiin danbeysay noqonmeyso Insha Allah.

Caafimaadku maaha in kaliya xarun caafimaad uun la dhiso. Caafimaadku inuu ku jiro in daawo la keeno oo qudha maaha, caafimaadka habka aynu u noolahay ayay ku xidhan tahay, waa in aynu caafimaadka ka wada shaqeyno.”

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibadaasi, waxaanu sheegay in xaruntan caafimaad ay bulshada deegaanku raadinaysay muddo shan iyo labaatan sanno ah, balse maanta ay hirgelisay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saaka halkan waxaa aanu ku mareynaa wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta caafimaadka, ujeedada aanu halkan u nimid waa sidii aanu xarun caafimaad uga dhagax dhigi laheyn Xayira.

Haddii aad tihiin dadka deegaanka, ma mooganin muddada aad raadineyseen xannaano in aad heshaan, baahidii aad qabteena waxaa maanta muddo 25-sanno kadib ah idiin fulisay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply