Jaaliyadda Birmingham oo Qado Sharaf u Sameeyay Xildhibaan Bidhi oo Jooga Ingiriiska

0
400

Birmingham (Dawan): Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ah mudane ka tirsan golaha degaanka Burco oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska ayaa shalay waxaa qado sharaf u sameeyey xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, gaar ahaanna kuwa ku nool magaaladda Birmingham.

Waxaana xaflada qadadda ahayd ka soo qayb-galay siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahanno iyo xubno kale. Kuwaas oo hadallo ay xafladaa ka jeediyeen kaga warramay taariikhda iyo tilmaamaha lama ilaawaanka ah ee masuulkani ku leeyahay dhismaha iyo horumarka Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer.

Maxamed Xuseen Geelle oo ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee Birmingham oo ayaa sheegay in qadadaasi ay tilmaam u tahay sida ay u aqoonsan yihiin shaqada xildhibaanku ka qabtay magaalada Burco iyo sida xili waliba jaaliyada Somaliland iyo shacabkeeduba ugu heelan yihiin muujinta wadajirka iyo horumarka bulshada Somaliland.

Waxaanay xafladaasi ku tilmaameen mid soo dhaweynta iyo marti qaadka, taasoo ka mida waxyaabaha ay caan ku tahay jaaliyadda Somaliland ee magaaladda Birmingham.

Geesta kale xildhibaan Bidhi oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda marti qaadka ah ee loo sameeyay ayaa jaaliyadda Birmingham uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen una maamuseen.

Waxaanu yidhi “Aad baan ugu mahad-celinayaa xubnaha faraha badan ee ka midda jaaliyadda Somaliland eek u nool Birmingham oo si weyn ii soo dhaweeyey. Sidoo kale runtii qado sharaftan aad soo samayseen waxaan u arkaa qaddarin, ixtiraam iyo sharaf ay ii hayaan bulshadayda reer Somaliland oo dhan”.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi ayaa qadada ka-dib, halkaasi xog-wareysi kula yeeshay xubnihii jaaliyada ee halkaasi ku sugnaa.

Waxaanu xusay in markasta qurba-joogta Somaliland ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka qaranka dhinac kastaba. Maadama ay yihiin tirada ugu badan ee lagu tiirsan yahay siiba taageerida shacabka Somaliland.

Isagoo xusay in ujeedadaydda kulankaasina ay tahay si aynu u kala helno xog rasmi ah, una kala qaadano talooyinka wax ku oolka ah.

Guntii iyo gabogabadii waxaa xaflada soo xidhay oo khudbad aad u wanaagsan soo jeediyay qaban-qaabiyihii xafladda sheekh Bashiir Axmed Wadaad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply