Somaliland oo lagu Ammaanay Shir Caalamiya oo Deegaanka la Xidhiidha

0
338

Hargaysa (Dawan):- Shir caalamiya oo lagaga hadlayay arrimaha deegaanka oo ay ka soo qayb galeen madax kala duwan oo dunida ka kala socday laguna qabtay magaalada Sanfaransiisko ee dalka Maraykanka, ayaa Somaliland lagu ammaanay hawlaha ay ka qabatay arrimaha deegaanka iyo cimilada.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shirkaa ka qayb gashay ayaa muddadii uu socday ka hadashay waxyaabaha Somaliland ay ka qabatay deegaanka iyo ka hortagga cimilada caalamka ee sii kululaanaysa.

Wasiir Shugri oo shalay dalka dib ugu soo noqotay, ayaa ka war bixiysay guulaha siyaasadeed ee shirkaas ay kala soo hoyatay iyo midhaha Somaliland ay ka heshay. Iyada oo arrimahaasi k hadlaysayna waxay tidhi. “Adduunyadu waxa ay ogaatay in cimiladii isbedeshay. Cid kasta way saamaysay adduunyada dawlad aanay saamaynina ma jirto, waxaana laga hadlayay dawlad waliba waxa ay ka qabatay deegaanka.”

Wasiir Shugri waxa ay intaasi raacisay “Shirkii hore loogu qabtay Paris qobaddii ka soo baxay xoog ayaa loogu soo jeedsaday in deegaanka wax laga qabto. Somaliland aad ayaa loogu ammaanay shirkaa waxaynu ka qabanay deegaanka hore ayaanan uga soo kacnay meeqaamkii aynu hore u joognay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply