Guddoomiye Sharmaake oo si Kedis ah u Kormeeray Shaqaalaha Amaanka Madaarka

0
329

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa kormeer kadis ah ku soo samaysay shaqaalaha ammaanka ee madaarka Hargeysa oo dhawaan madaxweynaha qaranku dib ugu soo celiyey gacanta dawladda.

Subaxnimadii hore ee shalay ayey hawl-wadeenada hay’adda shaqaalaha dawladda oo ay wehelinayaan madaxda madaarka Hargeysa oo uu horkacayo maareeyaha hay’adda duulista iyo madaaradda Somaliland ay kormeer kadis ah ku soo mareen qaybaha kala duwan ee shaqaalaha ammaanku ka hawl-galaan iyo gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaake Muxumed Geelle ayaa ka warbixiyey ujeeda uu daaranaa kormeerka kediska ah ee ay ku soo mareen qaybaha madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi “Kormeerkan ayaa isugu jiray hubinta joogitaanka shaqaalaha iyo indho-indhaynta hufnaanta hawl-gudashadooda shaqo, waxaanan bilownay 6:30 subaxnimo illaa 4:00 galabnimo, halkaas oo labada kal shaqo “Two Shifts” loogu kuur-galay xiliga, xaalada iyo xirfadooda-ba”

Sharmaake Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadu ay tahay in la ogaado tirada iyo tayada shaqaalaha ammaanka ee madaarka Hargeysa isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ujeedada guud ee aanu ka lahayn waa laba shay oo kala ah, maadaama Madaxweynaha qaranka Somaliland wareegto ku hoos keenay qaybta ammaanka ha’yadda duulista waxaa laga maarmaan noqotay in dardartii iyo adeegii halkaasi si wanaagsan uga sii socda, sidaas oo kale waxa aanu hubinaynay shaqaalaha la soo wareejiyey tiradooda, tayadooda iyo khibradooda shaqo si ay hawsha ay u sii gaadhsiiyan meel ka wanaagsan meesha ay hadda taagan tahay.”

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii dawladdu dib ula soo noqotay gacan ku haynta ammaanka madaarka iyada oo shaqaalihii ka hawl-galayeyna sidoodii shaqada u wataan.

Intii kormeeku socday waxa Hay’adda shaqaalaha dawladda u muuqanaysay shaqaale ay ka muuqato farsamo iyo feejignaan dheeri ah kuwaas oo qof iyo qalab ahaan-ba u diyaarsan in ay sugaan ammniga madaarka oo ah marinka iyo muraayada koobaad ee dal laga soo galo.

Ugu dambayn, Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay hambalyeynaysaa shaqaalihii saacadihii shaqada sida wanaagsan u ilaalinayey kuwaas oo ay ku adkaynayso u jajabnaanta shacabka iyo bixinta adeeg hufan

Kormeerkan ayaa bilow u noqon doona kormeero lama filaan ah oo Hay’adda shaqaalaha dawladdu ku daba-gali doonto shaqaalihii is-diiwaangeliyey mudooyinkii dambe in ay xarumihii shaqada ku sugan yihiin iyo sida oo kale in si cad la xisaabtan uga imaado saacadaha shaqada ee shacabku xaqa ugu leeyihiin shaqaalaha.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply