Maayerka Boorama oo Beeniyay in Xukuumaddu Lug Ku Lahayd Doorashadii Loogu Codeeyay

0
377

Boorama (Dawan):- Maayarka  degmada   Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmadaasi  Saleebaan  Xasan  Xaddi  ayaa beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu duray doorasahdiisa oo lala xidhiidhiyay in Xukuumaddu  lug lu lahayd doorashadii codaynta ahayd ee uu ku soo baxay looguna codeeyay in uu noqdo  maayerka Boorama ka dib markii maayerkii hore uu is casilay.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in doorashadii lagu doortay ay ahayd mid aan caad saarnayn oo caddaan ahayn isla markaana xubnaha golaha deegaanka oo dhammi ay ka wada qayb qaateen isaga iyo musharixii ay tartanka wada galeenna ay cod ku kala bexeen.

Waxaanu intaa ku daray in doorashadii  dhammaatay oo imika la guda gelayo in golaha deegaanka Boorama uu degmada u shaqeeyo isuna imanayaan  oo aanay jirin wax dhibaato ah oo dhexdooda taalla waajibaadkooduna uu yahay in ay u shaqeeyaan degmadii loo dooryay iaydoo ay dhici karto in aragtida lagu kala duwan yahayna  la wada shaqaynayo.

Maayer Saleebaan oo arrimahaa  ka hadlayaana waxaa uu yidh  “Si midaysan ayaa la iigu doortay maayarka Boorama goluhuna wuu u dhammaa  kuwii iigu xigay ayaa u codeeyay xildhibaan Maxamed   Dheerayste  doorashaduna way iska leedahay caadifad,Xukuumadduna  aniga imay wadan  meesha ayay ka muuqan lahayd  wasiiraduna waxay eegayeen sharciyadda  codad ayaana lagu   kala baxay.”

Maayer xaddi oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaaku daray “wadashada waxa la yidhaahdaa qofka la magacaabo  wax cad ayaanay ahayd oo la tirinayay doorashadii golaha deegaanku  igu   doorteen.Golaha deegaanka ee Boorama  waa  gole la wada  doortay  wakhti ayaanay muddadu naga wada dhammaanaysaa  waxaanu doono aanu isku qabano   waa la iskaga  hor iman karaa afkaarta iyo sida wax loo qabanayo   wax lagu kala tegayna maaha.”

Maayerka ayaa  hadalkiisa ku soo gunaanaday in  gole ahaan ay isu imanayaan shaqadii loo doortay ee degmada ay wada jir u qabanayaan ,waxaanu yidhi “golaha deegaanka Boorama  way isu imanayaan kuwii iga codeeyay iyo kuwii ii codeeyayba  talo wadaag ayaanu leenahay   waxaana loo soo doortay in ay ka talo bixiyaan wax qabadka degmada Boorama  xanafkii doorashaduna way  iska dhamaatay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply