Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Warbixin Siisay Golaha Wasiirada

0
328

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay golaha wasiirada jamhuuriyadda Somaliland halkaas oo ay kaga hadleen tirada shaqaalaha dawladda , tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

kulanka oo uu guddoominayey Madaxweyne Muuse Biix Cabdi isla markaana uu ku sugnaa Madawxeyne-ku-xigeenka , Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hay’adda shaqaalaha dawladdu kaga hadashay in ay si buuxda u xidheen tirintii shaqaalaha dawladda isla markaana ay bilaabayso buuxinta kaalmihii shaqo ee soo baxay si ay fursad ugu noqoto dhallinyaradda Somaliland

Intii kulanku socday hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa ay golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan ay samaysay halkaas oo ay golaha Wasiirada u sheegeen in ay dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa bogaadiyey hawl-qabadka hay’adda shaqaalaha dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Sharmaake Axmed Muxumed, ayaa isaguna ka warbixiyey dedaalka loogu jiro in shaqaalaha dawladdu ay noqdaan kuwo ka soo dhalaali kara kaalmaha shaqo ee ay u hayaan qaranka iyadoo taa laga duulayana ay sameeyeen horumar balaadhan mudooyinkii u danbeeyey, geesta kale waxa uu xusay guddooyimuhu inuu soo dhammaaday wajigii kala hufka shaqaalaha dawladda oo ay ku heleen shaqaale aan jirin isla markaana ay hakiyeen boosaskii ay shaqaalahaasi ku qornaayeen, waxa kale oo uu xusay in Hay’adda Shaqaaluhu ku hawlan tahay dhammaan Siyaasadaha iyo shuruucda gundhigga u ah wanaajinta shaqada iyo shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay doonayaan inay Golaha Wasiirrada la wadaagaan sida ugu Dhakhsaha badan.

Guddoomioyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda ayaa Wargeyska Dawan u sheegay in maalmaha soo socda ay soo bandhigi doonan qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta iyo nidaamka loo marayo.

Tan iyo tii xukunka Maamulka iyo hoggaanka ha’yadda shaqaalaha dawladda uu la wareegay guddoomiye , Md, Sharmaake Muxumed Geelle waxa ay ku talaabsadeen talaabooyin aad usoo jiitay indhaha bulshada iyo hoggaanka dalka kuwaasi oo ay ka mid yihiin in meesha ay ka saaran shaqaalaha caaglayaasha ee qaranka aan wax manfac ah u lahayn iyo sugida shaqaale kayd iyo raandhiis oo qarankan curdinka ah yeeshay , waana markii ugu horaysay ee si toos loo diwaan geliyo dhammaan shaqaalaha dawladda ee ku sugan dhul weynaha ku fidsan jihada afarta dhinac ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply