Madbacadda Qaranka oo ka Dareen Celisay Adeegyo Hore oo Dib loogu soo Celisay

0
472

Hargeysa (Dawan):-Madbacadda qaranka Somaliland,ayaa ka dareen celisay adeegyo hore looga qaaday oo xukuumaddu dib ugu soo celisay.

Maareeyaha Madbacadda qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire,ayaa sheegay in ay ku hambalyaynayaan siyaasadda Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ee ah in hantida qaranka ee daabacaadda qaranku ay sugnaato oo xafidnaato oo ay ka masuulahaato oo keliya madbacadda qaranku,

Waxaaa kale o uu Maareeye Siciid soo dhaweeyay wareegtada wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi uu madbacadda qaranka ugu soo celiyay adeegyo daabacaad qaran ah oo hore looga qaaday,waxaanu intaa ku daray in madbadcadda qaranku ay u taagan tahay daabacaadda iyo xafidaadda dhammaan dhugmantiyada qaran ee dawladda siyaasad ahaan iyo sir ahaanna ay dabooli karto xafidaadda iyo daabacaaddaba.

War-saxaafadeed uu soo saaray maareeyaha Madbacadda qaranka,ayaa u dhignaa sidan.

“Madbacadda Qaranka JSL waxay bogaadinaysaa siyaasadda Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ee ku wajahan in dib loogu soo celiyo dhukumantigii ay daabacaadiisa u xilsaarnayd, kaas oo Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu ku soo saaray Wareegtada Wasiir ee sumadeedu tahay WM/02/08-01/620/2018, kuna taariikhaysan 02/10/2018, ujeedadeeduna tahay “Wareejinta Daabacaadda Dhukumantiyada leh Qiimaha Lacageed”.

Sidoo kale Madbacadda Qaranka JSL waxay si mug iyo miisaan leh u soo dhawaynaysaa dedaalka loogu jiro korinta, tayeynta iyo xoojinta awoodda Madbacadda Qaranka JSL.

Madbacadda Qaranku waa Wakaaladda dawladda uga mas’uulka ah daabacaada dhammaan dhukumantiga dawladda sida ku cad wareegto Madaxweyne M.I.Cigaal No. 02/97, JSL/M/WA/222-002/797 kuna taariikhaysan 23 July, 1997 iyo Wareegto Madaxweyne A.M.Silanyo 002/102010, JSL/M/WM/222-240/102010 ee ku taariikhaysan 11/10/10 oo waajibinaya in dhukumantiga dawladda ay daabacdo MadbacaddaQaranka JSL.

Sidaas darteed, soo xerogelinta daabacaada dhukumantiga dawladdu waxay waafaqaysaa xeerarka dalka iyo waajibaadka loo aasaasay wakaaladdda Madbacadda Qaranka JSL.

Madbacadda Qaranka JSL, waxay dabooshaa baahida dawladda ee daabacaada dhukumantiga leh qiime-lacageed iyo dhukumantiga kale ee xafiisyada waxaanay awood iyo kartiba u leedahay daabacaada dhukumantigan lagu soo wareejiyey iyo kuwo kaleba. Waxa ay leedahay nidaam iyo hab xafidan oo shaqadu raacdo, waxa dhex degan hay’adaha amniga, waxa ay xidhiidh joogto ah oo toos ah ay leeyihiin Hantidhowrka iyo Wasaaradda Maaliyadda JSL, waxa ay isticmaashaa alaabo iyo siro lagu xafido dhukumantiga ay daabacdo. Sidaas darteed, waa hay’ad u taagan sugida sirta iyo xogaha daabacaada qaranka, ilaalinta sharafta, samcada iyo karaamada dhukumantiga waddanka iyo beekhaaminta kharashka dawladda kaga baxa daabacaada.

Madbacadda Qaranka JSL waxay u mahadcelinaysaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo iyaga oo fulinaya siyaasadda dawladda, si weyn noogala shaqeeyay arrinta midaynta daabacaada dawladda. Sidoo kale waxaanu ku boorinaynaa hay’adaha kale ee dawladduna in ay dhinacooda ka qaybqaataan. Ugu dambayn, Madbacadda Qaranku waxay waddaa dedaalo isbarkan iyo isbeddello dhinacyo badan leh oo lagu beegsanayo xaqiijinta yoolasha iyo higsiga dhukumanti xafidan, casri ah oo la isku hallayn karo.

ALLAA mahad leh,

Siciid Saalax Shire.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply