Wasiirka Hawlaha Guud oo ka Hadlay Dhibaatada ay ku Hayaan Nootaayooyinka iyo Hantiileyaashu

0
372

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi,ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyin is barkan oo ay dhulka danta guud ah ee qaranku leeyahay iyo dadweynaha danyarta ahba ay ku hayaan Nootaayooyinka iyo hantiileyaasha.

Waxaanu intaa raaciyay in hantiileyaashu dadka danyarta ah lacag aad u badan la dul yimaadaan oo dhul kaga iibsadaan isla markaana nootaayooyinka uun la isla tago oo nootaayooyinkuna ay u sameeyaan sharci aan jirin oo been ah.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay nootaayooyinku in ay dhul la isku haysto oo lagu muran sanyahay ay sharci u sameeyaan isla markaana dalka ka abuuraan muran dhul oo aad u badan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida dhulkii danta guud ahaa ee ummaddu wada lahayd ee magaalooyinku in uu u gacan galay dadweynaha gaar ahaan tiro kooban oo uu sheegay in ay hantiileyaal yihiin.

Waxaanu caddeeyay in magaalada Berbera gebi ahaanba dhulkii danta guud ahaa la wada qaatay,laakiin ay gacanta dawladda ku so celin doonaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in nootaayooyinka ay ka wada hadli doonaan wasaaradda caddaaladda oo sharciyadda siisa,waxaanu hantiileyaasha u soo jeediyay in ay u tudhaan dadkooda oo ay ka daayaan lacagtan aan caalamka meelna dhul lagu kala iibsan ee ay dhulka ku baayacayaan ee ay danyartii ugu diideen in ay dhul yeeshaan.

Wasiir Cabdirashiid oo u warramay HCTV.waxa uu hadal kiisa ku bilaabay sidan. “Dalka dhibaato badan ayay ku hayaan nootaayooyinka oo qaar ka diiwaan gashan yihiin Wasaarada Caddaaladda qaarna aanay diiwaan gashanayn iyadoo meelna la tegin oo sharci la marin ayaa labo qof iskula imanayaan dhul ayaa la iibsanayaa waa loo sharciyaynayaa oo dhul dawladdu leedahay ayay kala wareejinayaan dhul dad isku haysto ayay kala wareejinayaan oo sifo aan sharci ahayn ayay raacayaan wasaarada Caddaaladda ayaan kala hadli doonaa dhibaatada Nootaayooyinku ku hayaan dalka.”.

Wasiirku waxa uu sheegay gacanta dawladda ay kusoo celin doonaan maamulka dhulka.waxaana uu yidhi

“Waxaanu wadnaa sidii gacanta dad weynaha aanu uga soo celin lahayn dhulkan dadku iska sheeganayaan waxa dhacday in qof waliba meesha uu doono dego,waxa dhacday in qof waliba hanti dawladeed iska qaato,arimahaa wax badan ayaanu ka qabanay si mintidnimo ah ayaan u daba soconaa,”.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in la boobay dhulkii magaalada Berbera isla markaana meelkasta dad shacab ahi dhisteen.waxaanu yidhi“Berbera meel aan la sheeganaynin ma jirto illaa Xabaalo tumaalood way dayran tahay meel aan la lahayn majirto dawladda hoose ee Berbera may ahayn in shan KM magaalada ay dhaafaan ,dhulkaa waa la wada yeeshay Berbera waa magaalo dhulkeedii la boobay oo wax dawladdi leedahay oo loogu soo hagaago aan lahayn ayaan u arkaa Berbera 5o Mitir oo dayran ayaad arkaysaa waxaana leh shacab hantiile-yaal ah .”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in ay wadaan sidii go’aan ay uga gaadhi lahaayeen dhulka Hargaysa ee shacabku wada sheeganayo.waxaana uu yidhi“Hargaysa xaga koonfurta waxa dhul lagu sheegayaa Beero hadaad bariga u dhaqaaqdo waa la mid Galbeed iyo Waqooyi waa la mid,markaa waxa jirta dhibaato ah dadkii oo dhulkii yeeshay meel Sogsog Ciin iyo Caws ka baxeen ayaa lagu odhanayaa waa Beer in afka lagala xishoodo ayaa wanaagsan markaa dhulka Hargaysa waanu wadnaa in aanu go’aan ka gaadhno,”.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in aanay aduunka ka jirin dhul lagu kala iibsado hal milyan oo doolar sida Somaliland oo kale waxaana uu usoo jeediyay ganacsatada in ay dalka u tudhaan.waxaana uu yidhi“ummaddu waa danyar lacag ayaa loo keenayaa saddex boqol oo kun oo doolar ayaa laga siisanayaa dhul keenayaa aduunyada meel waxaas oo lacaga dhul lagu iibsanayaa majirto 50 mitir ayaa afar boqol oo kun oo doolar la kala siisanayaa,magaalada badhtanka Hargaysa hal milyan oo doolar ayaa la kala siisanayaa dhulkii la iibsanayo meel adduunka laga isticmaalaa majirto waxaas.waxaana iibsanaya dad yar oo hanti leh ayaa dalka sidaa u galay wax ummaddu la nooshahay majirto ganacsatada in umaadda u tudhaan ayaa wanaagsan.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply