Wasiirka Waxbarashadda oo Iska Difaacay Eedo loo Jeediyay

0
355

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa wax laga xumaado oo gardarro ah ku tilmaamay eedaymaha wasaaradiisa loo jeediyay ee la xidhiidha in la musuq maasuqday deeqo waxbarasho oo dawladda Itoobiya siisay Somaliland.

Waxaanu sheegay in deeqdaas waxbarasho si caddaalad ah loogu qaybiyay goboladda Somaliland oo dhan, balse ardayda ka socotay goboladda qaar ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, taas oo keentay in goboladu ku kala bateen tirada ardayda u soo baxday in waxbarashadda loo diro.

Deeqahan waxbarasho oo dawladda federaalka Itoobiya ku caawisay Somaliland ayaa isugu jirtay diyaarinta heerka koowaad ee shahaadadda degree-ga iyo barashadda heerka labaad ee aqoonta jaamacadaha (Master).

Tiradda ardayda loo dirayo waxbarashadda ayaa guud ahaan dhamayd 300 oo qof. Kuwaasii oo laba boqol (200) oo ka mida ay soo qaadan doonaan diyaarinta shahaadadda heerka koowaad ee loo yaqaano degree-ga, halka 100-ka kale na soo qaadan doonaan heerka labaad ee waxbarashadda jaamcada ee Mastar.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadaladda ka soo yeedhay qaar ka mida goboladda dalka ee ku cabanayay in gobollo gaar ah loo sad-buriyay.

Wasiirka oo ka jawaabayay eedaha loo jeediyay iyo sababta keentay in goboladu ku kala bateen tiradda ardayda soo baxday waxa uu yidhi “Waxaanu ka xunahay goboladda qaarkood, oo weliba goboladda Bariga ah, oo aad u dacwoonayay. Dadku haddii ay iyagu is hagradeen, ama meel xun oo khaldan geeyeen, oo tilmaantii aanu tilmaanay ay raaci waaayeen, in ay iska eedeeyaan cid aan eed lahayn ma aha.

Anagu waanu u dul qaadanaynaa oo waxba na yeeli mayso, laakiin waa gar-darro. Ta koowaad waxaanu u dhignay shuruudo iyo qaab aanu ku fulino, oo ah shahaadda koowaad ee 200 ee qof la doonayay. Shahaadadaas xulashadeedda, si aanu u xulano waxaanu u dhignay shuruudo.

Shuruudahaas waxaa ugu horreeyay in ardaydga la qaadanayo, ee Itoobiya loo dirayo, ee shahaadadda heerka koowaad wax ku soo baranaya, in marka u horraysay imtixaankii dugsiga sare ee shahaadiga ahaa, in uu kaga gudbay derejadda ah B iyo wixii ka sareeya”.

“Taa markii aanu eegnay, waxaa noo muuqatay, in goboladda qaarkood dad badani aanay ka soo baxaynin, ama aanay qaybtii waxba ka helaynin. Sidaa daraadeed waxaanu raacinay, in aanu goboladda wax siino, oo u qaybino, maadaama ay deeq tahay, oo deeqdaas dadka intii aanu gaadhsiin karno aanu gaadhsiino.

Iyadoo taasi jirto ayaanu hadana si caddaaladi u dhacdo, oo dadka reer Somaliland ay wax u qaybsadaan oo ay u wada gaadho, ayaanu gobol walba wax u goynay, oo goboladii tiradda badan heli lahaa aanu wax uga jarnay. Sidaa daraadeed gobol walba tirro ayaanu 200 boqol ka siinay” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiir Faratoon, waxa uu sharaxaad ka bixiyay ardayda shahaadadda heerka labaad (master) ee iyaga na loo dirayo dalka Itoobiya oo ay tiradoodu tahay 100 qof iyo shuruudaha lagu xidhay ardayga la qaadanayo.

Waxaanu yidhi “Shuruudda koowaad ee aanu ku xidhnay ardayda shahaadadda heerka labaad ee master-ta waxay ahayd GBA wax la yidhaahdo, ayaanu shahaadadda labaad shuruud uga dhignay. Waxaana jirta jaamacaduhu GBA-gu ama waa 4 ama waa 3 ama waa 2 ama waa 1. Markaa GBA-ga 3aad ama wixii ka sarreeya ardaydii uu GBA-giisu yahay ayaanu ku xidhnay ta lagu qaadanyo.

Qofkii GBA-giisu 3 ka hooseeyo, lama qaadanaynin. Ta kale waxaanu ku xidhnay in aanu gobolada qaar, gobolkii laga helayo in uu haysto dad jaamacad ka soo baxay oo buundadaas (derejadda) ku gudbay, oo imtixaanka soo doontay tiradaa loo qoondeeyay way helaysay. Laakiin haddii ay ardayda ka iman waydo, uma xidhnaanaynin.

Gobolkii arday ka timaado, oo ay ka yimaadaan dad derajadda GAB-goodu yahay 3 oo jaamacad gobolkaas ah ka soo baxay, tiradda qoondadii gobolka ayuu qofku ku qaadanayay. Laakiin gobolkii haddii laga waayo ama tiro yari ka soo gudbisato, tusaale ahaan haddii 5 qof ay soo gudbisteen codsiyadoodda, oo gobol ahaana la siiyay qoondo ah 15 qof, oo 5 keliya ka timaado, shantaas ayuun baa la qaadanayay”.

Geesta kale wasiirka waxbarashadda ayaa ku dooday in si cadaalad ah ay u bixiyeen deeqdaas waxbarasho, balse ay shaqsiyaad siyaasiyiin mucaarad ah si qaldan dadka u geliyeen, isla markaana uga faa’iidaysteen mucaaradnimadoodda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay sidii ugu cadaalad badnayd. Dadka ugu horeeyay, ee dadka wax geliyay waxay ahaayeen siyaasiyiin, weli na qaar baa hadlaya. Siyaasiyiinta mucaaradka waxaan u sheegayaa ama siyaasiyiintaba guud ahaan, in aan waxbarashadda la siyaasadaynin.

Waxan aad walaahoowga (walbahaarka) ku ridaysaan, ee jaho-wareerka aad ku ridaysaan waa ardaydeenii, waa caruurteenii, waa dhalinayradeenii, cid na gaar uma aha, xisbi na gaar uma aha, beeli na gaar uma laha”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply