WEEDHA WARGEYSKA Faysal Ma Hore Ayuu u Socdaa Mise Dib! ?

0
348

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay in lagu noqon doonno shir beelleed oo ay ku baaqi doonaan mucaarad ahaan haddii Madaxweynuhu aqbali waayo soo jeedintoodda.

Guddoomiye Faysal waxaa uu ka hadlay habeen hore xaflad ka dhacday Hargeysa, waxaa uu sheegay in Somaliland laba arrimood magac ku heshay waxaana uu yidhi. “Labadiiba maanta khatar ayay ku jiraan, waa taas oo qabiil baa loo baxay, waa taas oo jabhado ayaa la samaystay, dimuqraadiyadiina waa taas oo bireegii ayaa loo joogsaday.

Haddaba, haddii uu Muuse qaatay ra’yigii aanu berigii ka diidnay Rayaale ee ahaa Baarlamaanka adiga ayaa u badan ee fadhi, ma fadhiyayo.

Aniga ayaa runta idiin sheegaya ee Baarlamaankuna ma fadhiyayo, Muusena ma fadhiyayo, dawladaha hoosena ma fadhiyayaan ee Sshir beelleed baannu ku dhawaaqaynaa, mar haddii la baabiiyay axsaabtii oo ay doorasho dhici waydo, dalku wuu baaba’ayaa mana jirto maanta maalin aynu ka xunnahay.”

Bulsho ahaan belaayadda waa aynu ka ducaysanaa ee kuma ducaysanno, sidoo kale waa iskaga dignaa ee isuguma hanjabnno oo waxaa taas u daliil ah murtidda badan ee aynu ka leenahay. Tusaale ahaan, Belaayo aanad guriga keensan bannaan kaama raacdo. Belaayo guur bay ku tidhaahdaa ama guurso. Belaayo hor la qabtay ayay leedahay ee dabo la qabto ma leh, Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.

Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.

Belaayo ma fiicna, waayo aragnimana ma xumma, Belaayo waliba baraho leh, Belo waxaa ay u daran tahay marka ay reer aad mijihiisa tahay madax kaaga dhigto, Belaayo waa tii kaa qoslisa.

Marka ay sidaas tahay, qallinku waxa uu Faysal iyo akhristahaba ku guubaabinayaa in aynu ka ducaysanno oo belaayo iyo baaba’a dalka aynaan ku ducaysan.

Ta labaad, shir beelleedka Faysal maanta leeyahay waan ku baaqayaa oo marka uu Xukuumadda tiisa ka waayaba ku hanjabbo. Miyaanay Somaliland ka gudbin labaatan sannaddood iyo dheeraad ka hor.

Miyaanu ahayn Faysal kii diiday ee UDUB sida addag ugu raacay ee xiligii ururadda waqtigii loo diyaar garoobayay hannaanka doorashooyinka ee mucaaradkii ugu adkaa ee waqttigaas oo uu hormood u ahaa Guddoomiyaha waqtigan ee Golaha Guurtida ku afduubin oo aan lagu qasbin in ururkii ASAD ay ku tartamaan oo aanay weliba hadhin oo la odhan ku biirra.

Waa xasuus, bishii Jenuary 2, 2003 ayaa war uu soo saaray guddiga doorashooyinku ku amray in ururadii hadhay ku kala biiraan axsaabta bil gudeheed. Qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa ku simaha gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdillaahi Cabdi X. Cumar, wuxuu u qornaa sidan: “Sidaad la socotaan, waxaa 22/12/2002, lagu dhawaaqay natiijooyinkii Golayaasha Deegaannada, waxaana sida ku cad qodobka 41 aad ee xeerka Gobollada iyo Degmooyinka, Larnbar 23/2002, fadhiga u horreeya ee golayaasha deegaanadu ku qabsoomayaan 30 maalmood gudaheed oo ka bilaamanta Maalintii lagu dhawaaqay go’aamada doorashada, taas oo ku soo aaddan 22-ka bisha Jeeniwari ee 2002 oo ah Maalinta Salaasada, iyadoo ay tahay in la raaco, lagana tusaale qaato sida waafaqsan qodobka kor ku sheegan.

Waxaa kale oo loo baahan yahay iney dhexdooda ka xaajoodaan, kana gaadhaan heshiis, Axsaabtii soo baxday iyo Ururadii ka hadhay tartankii Doorashooyinka, Hase yeeshee, Doorashadii Golayaasha Deegaannada ee Degmooyinka qaarkood kuraasi ka helay, taas oo qodobka 34aad ee xeerka Doorashooyinku ku waajibinaayo in ay ku kala biiraan Saddexda Xisbi ee la ansixiyey midkood, intaan fadhiga Deegaannada ee ugu horreya leysugu iman.”

Markaa, Faysal hadduu maanta ku baaqayo shir beeleed xagga uu u socdo shacbiga ayaa ka jawaabi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply