Xukuumadda oo Wadda Qorshe la isku Soo Gaadhsiinayo Qaybaha Bulshada

0
336

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamisay in guud ahaan shaqaalaha dawladda Somaliland noocyadooda kala duwan in saami mug iyo miisaan leh laga siiyo beelaha Gabooye isla markaana deeqaha waxbarasho ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba kaalin wayn oo muuqata laga siiyo dhallinyarada beelaha Gabooye si loo helo bulsho aqoon ahaan iyo aragti ahaanba isku mid ah oo isla jaan qaadi karta.

Waxaa kale oo ay xukuumadda Somaliland hoosta ka xariiqday in miisaaniyad sannadeedka 2019-ka lagu daro dhammaan shaqaale hoosaadka dawladda ee shaqaynayay laakiin aan ku jirin liiska shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda ee ku meel gaadhka ku shaqaynayay si ay u helaan xuquuqdooda shaqaalenimo.

Sidoo kale, waxa ay xukuumaddu go’aamisay in dhammaan shaqaale hoosaadka derejada D oo intooda badan magacyadu ka qaldan yihiin in dhammaan magacyadooda loo soxo oo magacyadooda saxda ah loo diiwaan geliyo.

Shirkii golaha wasiirada Somaliland ee Khamiistii oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu go’aamiyay afar qodob oo nolosha bulsahda muhiimad weyn u leh.

Qodobada ay go’aamiyeen golaha wasiirada Somaliland, ayaa si gaar ah u taabanaya shaqaale hoosaadka laamaha dawladda iyo deeqaha waxbarasho iyo shaqaalihii ku jiray miisaaniyadda sanadkan sii dhammaanaya.

Waxaana xusid mudan in si gaar ah deeqaha waxbarasho loogaga hadlay in saami wayn laga siiyo beelaha Gabooye si kor loogu qaado aqoonta dhallinyarada beelaha Gabooye oon intooda badan dhaqaale ahaan aan awoodi karin waxbarashada sare in ay sii wataan iyo in shaqaalaha dawladda ee heer kasta laga qayg geliyo Bulshada beelaha Gabooye oo ay helaan saami wayn oo shaqaalaha dawladda noocyadooda kala duwan ah..

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay xog warranka ay goluhu ka dhegaysteen laamaha kor ku xusan iyo qodobada ay go’aamiyeen, ayaa u dhignaa sidan:-

Golaha wasiirradda Somaliland oo warbiximo ka dhegeystay guddida diyaarinta miisaaniyadda qaran ee sannadka 2019, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Fadhiga 22aad ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/10/2018, waxa warbiximo lagaga dhagaystay guddida diyaarinta Miisaaniyadda Qaran ee Sannadka 2019, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda Qaran ee 2019 ayaa Golaha wasiiradda u sharaxay sida habsami u socodka ah ee ay u diyaarinayaan Miisaaniyadda, iyagoo tilmamaay in Miisaaniyadda sannadka 2019 ay noqon doonto mid ku fadhida nidaam casriya oo si wayn looga baaraan-dagay, dhanka kale Wasiirka Waxbarashada ayaa golaha xog ka siiyey deeqdii waxbarasho ee Dawladda Itoobiya ay ugu deeqday Somaliland, isagoo xusay inay deeqdaas ku qaybiyeen si caddaalad ah oo ardayda ku guulaysatay deeqdaasi ay ahaayeen kuwo lagu xulay natiijada waxbarashadooda iyo siday u kala sareeyeen.

Sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Sharmaake Axmed Muxumed, ayaa isaguna ka warbixiyey dedaalka loogu jiro in shaqaalaha dawladdu ay noqdaan kuwo ka soo dhalaali kara kaalmaha shaqo ee ay u hayaan qaranka iyadoo taa laga duulayana ay sameeyeen horumar balaadhan mudooyinkii u danbeeyey, geesta kale waxa uu xusay gumooyimuhu inuu soo dhamaaday wajigii kala hufka shaqaalaha dawladda oo ay ku heleen shaqaale aan jirin isla markaana ay hakiyeen boosaskii ay shaqaalahaasi ku qornaayeen, waxa kale oo uu xusay in Hay’adda Shaqaaluhu ku hawlan tahay dhammaan Siyaasadaha iyo shuruucda gundhigga u ah wanaajinta shaqada iyo shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay doonayaan inay Golaha Wasiirrada la wadaagaan sida ugu Dhakhsaha badan.

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu uga mahadceliyey Dawaladda Itoobiya deeqda waxbarasho ee ay siisay Somaliland, waxuuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, sida ay u maamushay qaybinta Deeqdaas waxbarasho sidoo kale goluhu wuxuu hambalyeey Ardaydii ku guulaysatay Deeqda waxbarasho ee dalka Itoobiya oo iyagu dhawaan u ambabaxi doona goobihii lagu kala qoray ee dalka Itoobiya.

Golaha Wasirradu wuxuu soo dhaweeyey kuna hambalyeey shaqada fiican ee ay qabatay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu wuxuuna ku booriyey inay dhamaystiraan hawsha inta ka hadhay si loo helo shaqaale karti iyo aqoon leh laguna soo xusho sifooyin sharciga dalka waafaqsan.

Ugu danbayntiina Golaha Wasiiradda Somaliland waxay go’aan ku gaadheen;

  1. In shaqaalaha dawladda ee heer kasta leh iyo Deeqaha waxbarasho ee dalka gudihiisa & dibediisaba saami mugleh laga siiyo Beelaha Gabooye si loo helo bulsho isla jaanqaada oo midaysan.
  2. In shaqaalaha Miisaaniyadda 2018 ku jira loo sii daayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.
  3. In shaqaale Hoosaadka Derajada ‘’D’’ ku hawl-gala ee ay Magacyadu ka khaldanyihiin loo samaeeyo Magac-badalid iyo
  4. In shaqaalaha hoosaadka darajada ‘’D’’ ee aan ku jirin liiska shaqaalaha joogtada ah lagu daro Misaaniyada sannadka 2019-ka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply