Shirkadda ku Guuleysatay Dhismaha Xarunta Keydka Raashinka oo la Shaacisay

0
327

Hargeysa (Dawan) Guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shaacisay shirkaddii ku guuleysatay dhismaha xarunta keydka raashinka qaranka.

Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) ayaa hadal ka jeediyay madashii lagaga dhaawaaqay shaacinta shirkadda ku guulaysatay qandaraaskaasi, waxaanu yidhi “labaatanka shirkadood ee ka mid noqday tartamayaasha xarunrta keydka raashinka qaranka, guddida qandaraasyadda qarankuna waajibaadkooda shaqo ayay ka guteen”

Gudoomiyaha guddida qandaraasyadda qaranka Somaliland mudane Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirkadda ku guuleysatay dhismaha xarunrta keydka raashinka qaranka, waxaanu yidhi “labaatan shirkadood ayaa soo xareystay bakhaarka loo dhisayo keydka raashinka qaranka.

Soomaalidu waxay tidhaahdaaa gari laba nin kama wada qoslise, labaatanka mid uun baa helaysay, todoba shirkadood ayaa imtixaankii ku soo baxay, waxaana dhismihii keydka raashinka qaranka ku guuleysatay Gadhyare Constraction Company oo ku helay 14533. Haddii ay maanta waayeen shirkadaha kale barri ayay heli doonaan”

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa isagu halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Anagu waxaa aanu uga fadhinaa uun in naloo dhiso dhisme tayo leh oo qarankan raandhiis u yeesha mustaqbalka. Guddida qandaraasyadana hawhsaasi ay qabteen aad iyo aad ayaan ugu mahad celineynaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply