“Waxaan Somaliland u Imid Raysal Wasaarahayga oo ay ka Go’an Tahay in UK Noqoto Maalgaliyaha ugu Weyn”

0
316

Hargeysa (Dawan)- Wasiirul-dowlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Harriett Baldwin oo booqasho rasmi ah ku timid Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladdeeda ay 25 Milyan oo Pound ku dartay wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland oo lagu fulin doono mashaariic la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay xogwarankii Wasiirul-dowlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Harriett Baldwin oo shalay faahfaahisay qoddobadii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan joogo Hargeysa, Somaliland oo ah dal ka mid ah Afrika oo xidhiidh qotodheer la leh dalkayga Ingiriiska, waxaan halkan u imid Ra’iisul-wasaarahayga oo ay ka go’an tahay in UK noqoto maalgaliyaha u weyn ee dalalka G7 ee caawiya waddammada Afrika. Waxaan maanta arkay qaar ka mid ah shaqooyinka ay maalgelisay DFID ee ay u qabteen dadka reer Somaliland oo dhan,”ayey tidhi Mrs. Harriett Baldwin, waxaanay intaas ku dartay in UK ay dhaqaale soo mariso UNICEF si wax loogu qabto carruurta nafaqo darradu haysato.

Wasiirul-dowlaha Ingiriiska waxay intaas ku dartay; “Waxaan ku faraxsan nahay inaan maanta ku dhawaaqo inaanu wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) ku darno 25 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah, si aanu uga caawinno Somaliland mashaariic ballaadhan oo ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Mrs. Harriett Baldwin waxay caddeysay inay u riyaaqday sida madaxweyne Muuse Biixi ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Baarlamaanka ee lagu wado in ay Somalilad ka qabsoonto kal-dambe, waxaanay tidhi; “Sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa siday madaxweynaha uga go’an tahay dimuqraadiyadu iyo in aan maqlo in horumar laga sameynayo dhinaca doorashooyinka Baarlamaanka ee qabsoomaya sannadka 2019ka.”

“Waxa kale oo aan soo dhaweynayaa in Geeska Afrika oo dhan ay ka bilaabantay rejo ah nabad iyo iskaashi. Waxaan si xoog leh ugu boorinayaa cid kasta in laga wada shaqeeyo sidii loo sii wadi lahaa wada-hadallada, si loo xaliyo mowduucyada la isku maan-dhaafsan yahay.”

Ugu dambayn, waxay shaacisay inay UK garab taagan tahay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada guunka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply