Badhasaabka Hawd oo Shir Isugu Yeedhay Masuuliyiinta Lamaha Dawladda ee Gobolka

0
347

Baligubadle (Dawan) Badhasaabka gobolka Hawd Yaasim Maxamed Shide ayaa kulan la qaatay masuuliyinta kala duwan ee lamaha dawladda ee ka hawlgala gobolka Hawd.

Kulankan ayaa ujeedadiisu aheyd xog ogaal u noqoshada xaaladda guud ee degmooyinka hoos yimadda gobolka Hawd.

Maayirka degmadda Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa ku dheeraaday baahiyaha gaarka ah ee ay qabto degmada Baligubadle ee gobolka Hawd.

Sidoo kale Cabdi Iimaan Jaamac maayira degmadda Baligubadle waxaa uu soo jeediyay in wadada Baligubalde iyo Hargeysa miisaaniyadda sanadka 2019-ka qorshe cad loogu daro.

Maayirka degmadda Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac waxaa uu taxay baahiyaha gaarka ah ee qaybto degmadda Baligubadle ee gobolka Hawdka waxaanu yidhi “Degmadda Baligubadle waxaa ay ku taala xad waxaana hoos yimaada 15 tuulo, wax ceel biyooda oo ay leedahay ma jirto degmadda Baligubadle, waxaanay wakhtiyadda guga ay ka cabi jireen dadku baraagaha, inta kalena biyo dhaamis, taasina waxaa keenay barkadihii ay ka cabi jireen oo intooda badani wada jajaban oo aan la dayactirin, waxaanay u baahan tahay in riigag iyo dhaam biyoodyo ay ka cabaan loo sameeyo degmadu, sidoo kale dhanka caafimaadka waxaa ay degmadu u baahan tahay in dhakhtar loo dhiso halka uu imika ka shaqeeyo xarun loogu talagalay dhalaanka iyo hooyadda amase MCH, xaga barakacayaasha waxaa degmadda ka jira barakacayaal badan degana, Ina-cunaaye, Baligudbadle, Gumar, waxaana waxaana lagu qiyaasa ilaa afar kun iyo shan boqol oo qoys, degmadu waxaa ay leedahay dugsi hoose dhexe iyo mid sare, waxaanay u baahan tahay dugsi boodhina oo ardayda lagu xareeyo in jaamacadna loo raadiyo ardayda dugsiyadda sare ka baxda, in miisaaniyadda 2o19-ka qorshe cad loogu daro wada Baligubadle”

Maayirka degmadda Gunburaha Banka Cabdi Haybe Cilmi oo isna goobta ka hadlay ayaa xukuumadda talada dalka heysa ugu baaqay in shaqaalaha xarunta hooyadda iyo dhalaanka ka hawlgala loogu daro shaqaalaha dawladda ee rasmiga ah waxaanu yidhi “Degmo ahaan gunburaha banku waa degmo cusub, mudo laba sanadooda ayay jirtay, dhankii caafimaadka, waxbarashada, biyaha intaba ayaan idin faahfaahin doonaa, hay’adda GIZ dhanka shaqaalaha caafimaadka way noo balanqaaday laakiin ilaa hada meel ay ku shaqeeyaan ma hayaan, xarunta hooyada iyo dhalaanku waa qabyo in naloo dhameystirana waanu u baahanahay, 13-qof ayaa jooga waa in hay’adda shaqaalaha dawlada laga diwaangeliya oo ay shaqaale rasmiya noqdaan, degmadu dhankii waxbarashada dugsi hoose oo kaliya ayay leedahay, waana degmo cusub in dugsigaasi loo badelo dugsi cusub, ilaa imikana ardaydu daasado ayay ku fadhiistaan, wax iskuula oo boodhina malaha degmadu waligiina may yeelan, waxaanan aad iyo aad u jecleysanaya in degmadaasin laga sameeyo dugsi boodhina, magaaladu barkadaha ayay ka cabtaa”

Badhasaabka gobolka Hawd Yaasin Maxamed Shide ayaa sheegay in gobolkoodu noqon doono kii koobaad ee soo gudbiya buug ay ku taxan yihiin baahiyaha kala duwan ee ay ka gobol ahaan qabaan waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqaya masuuliyiinta degmooyinka ee sida quruxda badan u soo gudbiyay warbixinahoodii gobolka iyo degmooyinka, marka xog la helo ayaa talo la helaa, waxaa ay nu noqon doona gobolka ugu horeeya ee soo saara buug ka waramaya baahida uu qabo gobolku, laamaha dawladda iyo cidkasta oo ay khuseysana gaadhi doonaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply