Dullucda War-murtiyeed ka soo Baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee Hargeysa

0
326

Hargeysa (Dawan)- War-murtiyeed ka kooban Siddeed Qoddob ayaa laga soo saaray shirweynihii caalamiga ahaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu falanqeeyey guulihii jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay 27kii sannadood ee ay ku naaloonaysay madax-bannaaniddeeda iyo caqabadihii ka horyimid rubucqarnigaas.

Shirkan oo uu Arbacadii todobaadkan furay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa ka soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, waxaana ka soo qaybgalay 250 aqoonyahan iyo waxgarad oo reer Somaliland ah iyo xildhibaanno iyo aqoonyahanno ka socday 28 dal.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka gunaanadka shirweynahaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan waxa madaxdii iyo aqoonyahannadii ka qaybgalay ay qireen in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal madax-bannaan.

Waxa kale oo war-murtiyeedkaas lagu caddeeyey in Somaliland ay ka hirgashay nabadgelyo taam ah isla markaana aqoonsi la’aantu ay dalka ku yeelatay saamayn la xidhiidha inay xaddidnaadaan deeqaha caalamiga ah iyo Baanankii siin lahaa taageerada maaliyadeed.

War-saxaafadeedka shirkaas waxa lagu iftiimiyey in Somaliland sii wadayso horumarinta dalkeeda. Waxaana loogu baaqay beesha caalamka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka saacido taabogelinta qorshaha labaad ee qaranka 2017-2021 oo lagu tilmaamay inuu yahay himilo cad lagu horumarinayo afarta sannadood ee soo socda Somaliland.

Sidoo kalena waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in siyaasadda dibadd Somaliland ay ku jihaysan tahay sidii dalku u heli lahaa aqoonsi caalami ah, iyadoo yoolkaasna lagaga midho dhalin karo in ummadda reer Somaliland ay u midowdo baadi-doonkiisa.

Waxa shirweynuhu soo jeediyey in saaxiibada Somaliland ee beesha caalamku ay kor u qaadaan baaqyadooda la xidhiidha in la kordhiyo maalgashiga Somaliland.

Ugu dambayn, waxa warmurtiyeedkii ka soo baxay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka socday Hargeysa lagu sheegay in daneeyeyaasha Somaliland iyo saaxiibadooda caalamku ay mudnaanta siiyaan sidii loo midayn lahaa dedaalada lagu gaadhi karo bartilmaameedka Somaliland hiigsanayso oo ah inay noqoto qaran madax-bannaan oo ka mid noqda goleyaasha caalamka.

Dhinaca kale, saaxiibada Somaliland ayaa ballanqaaday in ay casharada ay ka barteen halkan dib ugu celin doonaan dalalkooda, kaalina ka qaadan doonaan in dalabka aqoonsiga Somaliland gaadho xukuumadahooda. Iyada oo laba boqol iyo konton xubnood (250) oo ah ergadii caalamiga ahayd ee isaga kala timid daafaha adduunku ay ballanqaadeen inay xukuumadahooda gaadhsiin doonaan aqoonsiga Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply