Hargaysa (Dawan): Guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa shalay soo kormeeray meelaha uu ka socda mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargaysa gaar ahaana degaanka loo yaqaano Geed-deeble.
Waxaana guddiga uga warbixiyay halka mashruucaasi marayo maareeyaha wakaaladda biyhaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood, waxaanu tilmaamay in mashruucaaasi uu yahay kii ugu weynaa, isla markaana ay rejaynayaan in dhawaan la soo gaadhsiiyo Hargaysa.
Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa ayaa guddiga joogtadda Guurtidda u cadeeyay in mashruucaas uu qorshihiisu aad u wanaagsan yahay, isla markaana uu wejiga kowaad ee mashruucaasi uu ku kacayo lacag aad u badan.
“Mashruuca biyo balaadhinta Hargaysa, waa mashruuc qorshihiisu aad u wanaagsan yahay, waana mashruuc aad u balaadhan. Waana mashruuc wejigisa hore uu lacag aad u badan ku kacayo. Wejiyo ama qaybo badan ayaanu kala leeyahay”ayuu yidhi maareeyaha wakaaladda biyaha Hagaysa.
Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “Waxa kaloo jira ceelasha biyaha ee Horra-haadley laga sameeyay, ceelashaasi gooni ayay u go’an yihiin, waxaana loo baana yahay in lagu so xidho nidaamka Geed-deeble. Taasoo iyadna u baahan qandaraas kale”.
Geesta kale xubnaha guddiga joogtadda ee golaha Guurtidda ayaa ku amaanay maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa, hawsha balaadhan ee uu ka qabtay mashruucaasi iyo dedaalka uu ugu jiro sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan.
Dawannews Hargeysa office