Itoobiya oo Taageero u Muujisay Heshiiska Dekeda Berbera

0
350

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay heshiiska ballaadhinta dekeda Berbera iyo dhamaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, isla markaana beenisay hadal xisbiga Waddani ka soo yeedhay.

Md. Berhe Tesfay, Qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in aanu waxba ka jirin hadal xisbiga Waddani shaki kaga muujiyey ka maqnaanshahii Itoobiya ee xafladii heshiiska ballaadhinta dekeda Berbera.

Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey dareenkiisa heshiiskii balaadhinta dekeda Berbera iyo hadal xisbiga Waddani ka yidhi ka maqnaanshahooda, isaga oo jooga Hargeysa ayaa ku jawaabay, “Itoobiya way taageersan tahay heshiiska ballaadhinta Dekeda Berbera iyo dhammaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland.” Wakiilka dalka Itoobiya u jooga Somaliland Mr. Tesfay waxa uu intaasi raaciyey “Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhamaysteen.” Ayuu yidhi.

Hadalka Qunsulka Guud ee Itoobiya Md Berhe Tesfay ayaa mugdiga ka saaray hadal Mr Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi, oo xisbiga Waddani ah ku sheegay in saamiga dekeda Berbera oo u dhexeeyey Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya, ay heshiiska balaadhinta dekeda Berbera Itoobiya ka maqnayd.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply