Hargaysa (Dawan) Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa been cad ku tilmaantay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta, wararkaasi oo ay sheegtay in lagaga been abuurtay qiyamkeeda iyo waxa ay aaminsantahay.
Edna Aadan Ismaac oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegtay in aanay ahayn dadka la badeli koro mabda’ooda iyo shakhsiyaadka lagu iibsado lacagta ee Soomaaliya u talaabay, waxaana ay hoosta ka xariiqay in aanu jirin qof Somaliland ka jeceli.
Edna Aadan Isamaaciil oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Maali dhawayto been ayaa layga sheegay, maanta illaa markii aan 17 jirka ahaa wax baan duubayay oo anigaaba BBC ka shaqayn jiray, markaan ardayada ahaa oo ay ahayd shaqadayda, waraysigii layga duubay waxa laga dhigay mid ka duwan warbixintii aan siiyay.
Edna Aadan qofkii yaqaanaa wuu yaqaanaa, halka ay iga joogto qadiyada Somaliland. umalayn maayo in uu hore u dhashay dibna u dhalan doono qof Somaliland iga jecel, mana ihi dadka wax lagu iibsan karo.
Marwo Edna waxa ay intaasi raacisay “Anigu lama mid ihi dadka Soomaaliya u talaaba, la sumad ma ihi, lamana mid ihi. Igama suuro gasho hunguri, meel iima jiito, kuwii Soomaaliya tagayna ha ku maqnaadeen, waxa ay ka helayaan ayay leeyihiin, laakiin Edna Aadan Somaliland ayay u dhalatay oo ay u dhimaysaa.
Somaliland oo xora oo la aqoonsaday oo calankeedu ka taaganyahay Qaramada midoobay ayaan ILLAAHAY ka baryayaa in uu igu simo. Cadawgeenu wuu ka nixi ka Somaliland jecelna wuu ku farxi”.
Edna Aadan waxa ay soo jeedisay in la adkeeyo midnimada shacabka Somaliland, waxaana ay tidhi “Waddan keena oo dhulka lala simay ayaan ku soo noqonay. Somaliland waxa ay kaga adkaatay cadawgaas midnimo, balse ogaada in aanu hadh idiin jiidayn, waxaynu cadawgaas kaga adkaanay isku duubni.
Dhalinyaradii Somaliland ayaa la odhanayaa 500 doolar ayaan kuu hayaaye Xamar kaalay, si loogu qarxiyo.
Somaliland ayaana mustaqbal leh oo shaqo taalaa oo sharaftaadii taalaa, ee aynu qarannimadeena aamini, oo aynu ilaashanno isku duubnideena iyo ammaankeena.”
Dawannews Hargeysa office