Warbaahinta Dunida oo ka Faallootay Ballaadhinta Dekedda Berbera

0
324

Hargeysa (Dawan)- Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa si weyn wax uga qoray 24kii saacadood ee la soo dhaafay bilowga wejigii koowaad ee lagu ballaadhinayo marsadda Berbera oo shirkadda DP World ay maalgelisay.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa warbixintan ka diyaarisay sidii saxaafadda adduunku uga faalootay casriyeynta dekedda Berbera oo qayb ka ah qorshaha shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ku casriyeynayso marsadaas oo loo diyaarinayo inay noqoto marin halbowle u ah gobolka geeska Afrika, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

Wargeyska Gulf News oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee Khaliijka Carabta, ayaa daabacay qormo uu ciwaan uga dhigay “DP World oo bilowday dhismihii mashruuca dekedda Berbera.” Waxaanay sheegeen in Shirkadda DP World ay bilowday dhismaha deked cabirkeedu yahay 400 oo mitir oo lagu ballaadhinayo dekedda Berbera, waxa kaloo ay intaas ku dareen in Dekedda loo qalabaynayo inay noqoto marin ganacsiyeedka gobolka si ay ugu adeegto dalalka aan badda lahayn ee Itoobiya ka mid tahay.

Gulf News wuxuu intaas ku daray in guddoomiyaha shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayem uu caddeeyey in hamigoodu yahay inay fududeeyaan ganacsiga oo ay dalalka Afrika ka caawiyaan horumarka iyo dhaqaalaha, si ay galaangal ugu yeeshaan suuqyada caalamka.

Sultan Ahmad Bin Sulayem wuxuu xusay in Maalgashiga dekedda iyo aagga cashuuraha ka caagan ee ay ka binaynayaan Berbera uu kobcinayo dhaqaalaha Somaliland iyo kuwa dalalka Gobolkaba, waxaanu tilmaamay inay ka soo baxayaan fursado shaqo.

Guddoomiyaha DP World wuxuu uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland oo shirkadiisa kasbatay si ay iskaga kaashadaan horumarinta mustaqbalka ummadda Somaliland.

Wargeyska Gulfnews wuxuu sheegay in shirkadda Shafa Al Nahda oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha wejiga hore ee mashruuca dekedda Berbera ay hore u soo dhistay dekeddo ku yaalla dalalka Sinigaal iyo Mosambiig.

Madaxweynaha jmhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in hanka Somaliland yahay sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka Itoobiya iyo waddamada kale ee Afrika ee aan badda lahayn, waxaanu madaxweynuhu balanqaaday inay Somaliland kaalinteeda ka qaadan doonto horusocodka dhaqaale iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika ka hanoqaaday.

Geesta kalena, waxa warka ballaadhinta dekedda Berbera si weyn wax uga qoray wakaalladda wararka ee Reuters, wakaallada wararka Imaaraadka Carabta ee WAM, Wargeyska Khaleej Times, Warsidaha falanqeeya dekedaha iyo madaarrada ee Port Technology International iyo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta, iyo Suadi Gazette iyo New Business Ethiopia

Dowladda Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa sannadkii 2016kii kala saxeexday heshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera oo muddadiisu qaadan doonto 25 sannadood oo ay ku bixi doonto $442 Milyan oo Doolar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply