Gudoomiyaha Maxkamaddad Sare iyo Wasiirro Shahadooyin Guddoonsiyey Dufacadii 6aad ee ka Qalin-jabiyey Jaamacadda New Generation Hargeysa

0
348

Hargeysa (Dawan)- Jaamacadda New Genaration oo ka mid ah Jaamacadaha dalka ku yaala, ayaa waxaa ka qalan jabiyey dufcadii lixaad, oo iskugu jira Ardayda ka qalanjabisay shahaadada koowaad ee Degree-ga iyo shahaadada labaad ee Masterta.

Munaasabadii qalanjabinta oo si ballaadhan loo soo agaasimay, oo ka dhacday Maansoor hotel ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland, madaxda xisbiyada qaranka, siyaasiyiin, maamulka, macalimiinta, waalidka iyo ardayda ka qalanjabisay jaamacadda New Genaration.

43878479_326031131283879_7797889614131232768_n 44066953_272495186717132_5875293352852717568_n(1) 44067938_508053376329406_3762695628254085120_n (1) 44067938_508053376329406_3762695628254085120_n 44104223_327249451160292_5878981870766522368_n 44106487_180913522821564_3031721928533475328_n 44108510_173091486954201_4961760238559559680_n 44154279_2143480189251478_3065534887499923456_n

Guddoomiyaha guud ee jaamacadda New Genaration Prof. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Alla-magan oo isagu ugu horreyn munaasibadaas ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, waxaanu ka xog waranay kuliyadaha kala duwan ee ay Ardaydu ka qalan jabisay, waxaanu yidhi “Maanta (shalay), oo ay taariikhdu tahay 15/10/2018, madashan qalanjabinta Jaamacada New Genaration, Dufacadii Lixaad ee Digree-ga iyo Dufcadii labaad ee Masterta, munaasibadan qalanjabintu waa maalmaha waaweyn ee aynu leenahay, si aynu ula ciidno arday dadaal kadib dhamaystay waxbarasharada, waxaa la joogaya maalintii aad ku ciidi lahaydeen horumarka aad ka gaadheen waxbarashada, waxaan idin leeyahay Hambalyo, illaa maalintii la aasaasay Jaamacadda New Genaration waxay ku talaabsatay guulal wax badan ka bedelay dalka iyo dadkaba, sida Waxbarasho tayo leh oo ay ka helaan Ardayda Jamhuuriyada Somaliland, ee Waxbarashada u tagi jiray dalka dibadiisa”.

Dhanka kale guddoomiyaha guud ee jaamacadda New Genaration ayaa tilmaamay in jaamacadda looga yimaado dalalka aynu jaarka nahay, sida Jabuuti, Soomaaliya iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu xusay in maamulka Jaamacadu ballanqaadayo inay sii laba jibaari doonaan dadaalka iyo horumarka tayada Waxbarasho ee ay dhigaan, waxaanu sheegay in Hay’addaha kala duwan ee Dawladda ay wada shaqeyn fiican leeyihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyey ardayda qalanjabisay, waxaanu yidhi “Xafladan oo kale waxaa ku munaasib ah hambalyo iyo mahadnaq, waxaana marka ugu horeysa hambalyeynayaa dhalinyarada dhamaystay waxbarashadoodii ee maanta Shahaadooyinkii la gudoonsiiyey, waxaan hambalyeynayaa Jaamacadda New Genaration, waxaan hambalyeynayaa qaranka Somaliland, Dhalinyaradii Shahadooyinkan halkan lagu gudoonsiiyey waxay ku dhasheen Somaliland, waxay ku barbaareen Somaliland, waxay wax ku barteen Somaliland, waxay wax u barteen Dalkooda Somaliland”
Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa bogaadiyey ardayda ka qalanjabisay Jaamacaddan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda New Genaration, oo uu xusay inay kaalin muhiim leh ka qaadateen suurtagalnimada ah inay Ardaydani helaan aqoon iyo waxbarasho ay muddo dheer hiigsanayeen, waxaanu tilmaamay inay Jaamacadu si fiican ugu tacabtay Ardaydan qalanjabisay, isla markaana Waxbarasho tayo leh siisay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Caddaalada oo iyana munaasibadan ka hadlay ayaa bogaadin, mahadnaq iyo hambalyo iskugu daray Ardayda ka qalanjabisay jaamacadda New Genaration, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen Jaamacadda New Genaration, oo ay uga mahadnaqeen siday wax u bareen Ardaydan qalanjabisay, waxayna ku dhiirigeliyeen inay halkaas ka sii waddo dadaalka.

Ardaydii kaalmaha hore ka galay kuuliyadaha kala duwan, oo ay hormood u ahaayeen Samiira Xaawadle Cumar oo ah ardayga kaalinta koobaad u galay Jamacadda New Generation Hargeysa, iyo Gudoomiyaha Maxkmada Rafcaanka Cali Suudi Diiriye oo isnaa kaalinta koobaad ka galay waxbarashada heerka labaad jaamacada ayaa abaalmarinno la guddoonsiiyey iyada oo dhammaan Ardaydii qalan jabisayna halkaas lagu guddoonsiiyey Shahadooyinkoodii.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply