Xildhibaan Soo Jeediyay In la Tayeeyo Waxbarashada Jaamacadaha Dalka

0
331

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guuurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in la tayeeyo waxbarashada jaamacadaha dalka.

Waxaanu tilmaamay in dal kasta oo caalamka ka mid ahi uu ku horumaro hadba aqoonta ay dadkiisu bartaan, waxaanu si weyn u soo dhaweeyay in dhallinayarada dalku ay wax bartaan oo ay aqoonta wakhti geliyaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in dalku u socdo dhanka horumarka oo ay imanayaan maalgashiyo fara badan oo kala duwan isla markaana loo baahan yahay in la helo dhallinyaro reer Somaliland oo wax bartay.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in horumarka dalka lagu qiimayn karo dhalinyarada aqooonta leh ee Jaamacadaha ka soo baxaya.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dal kasta Horumarkiisa waxa lagu qiimeeyaa dhallinyarada aqoonta leh ee Jaamacadaha ka soo baxa, Somaliland waxaynu ku qiyaas qaadanaynaa dhallinyarada ka soo baxaya Jaamacadaha dalka Somaliland, wadankeenu khayraad fara badan ayuu leeyahay, Maalgashiyo fara badan ayaa ku soo socda in dad aqoon leh loo helo waa loo baahanyahay oo dibedda aanay innooga iman dad Ajaanib ahi.

Markaa waa in dhallinyaradu u samraan dalkooda sannadaha soo socdana, dalku sidan wuu iska bedelayaa Maalgashiyo fara badan ayaana imanaya,”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la tayeeyo tayada Jaamacadaha dalka.waxaana uu yidhi “Jaamacadaha Somaliland waa in la tayeeyo mana qabo in dhallinyarada Jaamacadaha ka soo baxayaa yihiin dad tayadooodu liidato,China wuxuu ku horumaray waa aqoon, imika innaguna in aynu taaganahay inaynu aqoon ku Horumarnaa way muuqataa waxyeelana ma keenayso dhallinyaradaa Jaamacadaha ka soo baxaysaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply