Daawo Xildhibaan Cawil Dawil oo Ka Hadlay Nuxurka Shir Lagu Qabanayo Gobolka Sanaag

0
297

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud (Cawil Dawil) kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay shir ka dhici doona gobolka Sanaag, kaasi uu sheegay in beesha Muuse Abokor kaga arrinsaneyso aayaheed.

Xildhibaanku waxaa uu cadeeyay in shirkaasi yahay shir dhaqan oo aanu aheyn mid mad madaw iyo shaki toona ku jirin.

Xildhibaan Axmed Dawiil isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Shirku waa shir Muuse Abokor Udurixmiin ayaana gogosha dhigay dhab ahaantiina arrinta Muuse Abokor ayaa lagaga wada hadlaya danaha Ceerigaabo ayaa lagaga wada hadlaya, shir xukuumadda waxyeelaya maaha ee waa shir dhaqan, xukuumaddana waxaan ka filayaa inay soo dhaweyso oo aanay shirka ka didin, shirkaasi waa shir dhaqan oo waayeelkii ayaa isugu imanaya”

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrinta korneyl Caare waxaanu xusay in Caare arrimihiisa lagu dhammeeyo nabadgeliyo

Waxaanu xildhibaanku sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa

Halkan Ka Daawo

Leave a Reply