Guddoomiye Baashe oo Shaaciyay Wakhtiga la Qabanayo Doorashada

0
341

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiilladda jamhuuriyadda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in xildhibaanada golahaasi ay banneynayaan kuraasta.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay gacanta ku hayaan dhaqangelinta xeerkii lagu gali-lahaa doorashooyinka golaha wakiiladda iyo deegaanka, isla markaana aanu jirin wax kale oo iyaga baaqi ku ahi.

Guddoomiyaha golaha wakiilladda jamhuuriyadda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, sidoo kale waxa uu shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la gelayo doorashooyinka isbarkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka, taas oo uu tilmaamay in ay dalka ka dhacayso 29/3/2019.

Guddoomiye Baashe, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan lagaga arrinsanayay sidii haweenka, dhalilnyarada iyo dadka la haybsoocaa uga qayb qaaadan lahaayeen siyaasada oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wakiiladda.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo ugu horreyn ka hadlay in ay baneynayaan kuraasta golahaasi waxaa uu yidhi “Golaha wakiiladdu waxaa ay diyaar u yihiin kuraasta in ay banneeyaan wakhtigii loogu talo galey, doorashaduna ay ku qabsoonto wakhtigeedi.

Anaga (golaha wakiilladda) waxaa nagu xidhan oo kaliya xeerkii lagu gali lahaa doorashadda, wax kale oo nagu xidhani ma jiraan. Saami qaybsiga kuraastuna waxay u taallaa xisbiyadda qaranka. Hase ahaatee annaga xeerka ayaa noo yaalla, xeerkiina waanu dhameystireynaa.”

Dhanka kale, guddoomiye Baashe waxa uu muddeeyay wakhtiga rasmiga ah ee la galayo labada doorasho ee isbarkan ee wakiiladda iyo deegaanka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayay “Waxaa na horyaala xeerkii golayaasha deegaanka iyo wakiiladda xeerkaasi waxaa uu ka hadlaya doorashada in la qabto bisha saddexaad 29-keeda, sannadka 2019-kii doorashadiina wakhti yar ayaa ka hadhay, sidii haweenka Somaliland, dhalinyaradda iyo dadka la heyb-soocaa ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasadda, waanu ku faraxsanahay in haweenka Somaliland ay ka qayb qaataan siyaasada, waanu jecelahay in dumarku kuraasta golaha wakiiladda ka soo qayb galaan, waana xaq ay leeyihiin in la doorto waxna ay doortaan, waxaanu rabnaa in la gorfeeyo sidii haweenku uga qayb-gelilahaayeen doorashooyinka.”

Dhinaca kale, waxa kulankani ka hadlay xoghaya golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxaanu yidhi “Kulan hawleedkani waxaa uu nuxurkiisu yahay, gorfeynta doorka haweenka iyo dhalinyaradda ee doorka siyaasadda, oo gudida arrimaha guduhu ay soo diyaarisay, waxaanu socon doona muddo laba cisho ah.”

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xeerkii doorashada waxaanu yidhi “Waxaanu gacanta ku heynaa oo aanu wadnaa xeerkii doorasahada, golayaasha wakiiladda iyo deegaanada, oo qabsoomi doonta 29/3/2019-ka”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply