Maamulka Dugsiga Faarax Oomaar oo ka Hadlay Tayada Waxbarasho Dugsigooda

0
365

Hargeysa (Dawan) Maamulka dugsiga sare ee Faarax Oomar ayaa waalidiinta ay ubadkoodu wax ka bartaan dugsigaasi ugu baaqay in ay ka warhayaan habsami u socodka waxbarasho ee ubadkooda.

Maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar Siciid Ismaaciil Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay geeddi socodka waxbarashada dugsigaasi

Faarax Oomar waxaa uu ka mid yahay dugsiga sare ee dawliga ah ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa, waxaana la dhisay sanadkii 1967-kii waxaanu ku jiraa iskuuladda ugu faca weyn.

Xiligii aan iskuulkan booqday waxaa si habsami leh u socotay hawsha dugsigani, waxaana gabi ahaanba meesha diyaar ku ahaa maamulaha, maamule ku xigeenka, macalimiinta iyo ardayda dugsigani wax-ka-barata.

Ardayduna safka ayay taagnaayeen iyaga oo ku lebisan dirayska u gaarka ah ardayda dugsiyadda sare ee caddaanka iyo madawga, waxaana loo jeedinayay khudbado u badan waano iyo dhiirigelin, intaasi kadibna ardaydu waxaa ay u dhaqaaqeen dhankii fasaladooda iyaga oo ay hor socdeen macalimiinta wakhtiga xiisadaha ku qornaa,

Islamarkaana waxaa aan si toos ah uguda galay warbixintaydii aheyd xog ogaal u noqoshada xaalada waxbarasho ee dugsiga sar ee Faarax Oomaar.

Siciid Ismaaciil Ibraahim maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda waxbarasho ee dugsigaasi isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “Dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxaa uu ka mid yahay iskuuladda lagu aasaasay waxbarashada Somaliland gaar ahaan kuwa sare, iskuulkani dhanka waxbarashada facweyn ayuu leeyahay marba xaalado kala duwan ha soo mare, iskuulka waxbarashadiisu waa lix xiisadood oo isdaba joog ah, waxaana la galaa xiisado hore oo kala haada, kana bilaabma 6:15-daqiiqo iyo lix xiisadood oo caadiya, maalinta khamiistana waxaa la gala afar xiisadood oo nusasaacaha ka horreeya, iskuulka waxbarashadiisu si toos ah oo dhameystiran oo wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku noogu igmatay ayay noogu socdaan, macalimiinta ardayda wax baraana waa digree, double digre, iyo master, waxaanu ka kooban yahay fasaladda koobaad, labaad , saddexaad, iyo afraad ee dugsiyadda sare, macalimiinta ka hawlgala waa dhawr iyo toban maalin kasta, iyaga oo xiisaha isu badela, arday kali ahina xiisadihiisa ma waayo”

Maamulaha Siciid waxaa uu kala dagaalamaan dhaqanada xun xun waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ardayda waxaa aanu ka ilaalinaa foodda dheer ee ay sameysanayaan, surwaalka ay isku soo dhejinayaan, waxaa aanu kala dagaalaney oo aanu ku dedaallay in aanu ardayna xiisaddiisa dibedda ka joogin, qofna ogolaanshiyo la’aan ma soo geli karo iskuulka, waxaanu u diyaarinay imtixaan bil walba la qaado si ay aqoontooda iyo dedaalkoodu u libin laabmo, waxaa uu yahay xaadiris joogta ah oo uu ku lifaaqan yahay lanbarka hooyada amase aabbaha, waxaa aanu qiimeynaa ardayga imtixankiisa, waxbarashadiisa, file-kiisa,iskuulku waxaa uu leeyahay qaab dhismeed, maamule, maamule xigeen, macalimiin, shaqaale hoosaad, gudi, gudi waalidiin, jadwal xiisaddeed iyo xafiiskii”

Dhanka kale maamule Siciid waxaa uu farriin u diray walidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxaanu yidhi “Waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sare ee Faarax Oomaar, kaalaya oo ka soo wardoona ubadkiina oo imtixaankiisa, akhlaaqadiisa kaalay nala eeg oo kaalay nagala war hey, inuu yimaado nala eeg, inuu jaro nala eeg, in uu adiga inta uu kaa soo baxay uu na soo gaadhay iyo inuu meelahaa fadhiisto nala eeg, nala soo xidhiidha oo xidhiidh joogta ah nala sameeya, waalidka ubadkoodu halkan wax ku bartaan ee ay fasalada afraad yihiin waxaa aan u sheegaynaa in saddex imtixaan aanu ka qaadi doono intaan la gaadhin imtixaanka shahaadiga ah ee sidaasi hawla socdan”

Sidoo kale oo uu ka hadlay shuruudda ay ku xidhaan marka uu ardaygu iskuulka soo galayo waxaanu yidhi “Ardaygu marka uu iskuulka soo gelayo waxaa aanu ku xidhna inuu sito wax sharciya, haddii uu fasalka koobaad yahay waxaa aanu ku xidhna Ro/No-kiisa iskuulka uu ka soo baxay natiijadda uu keenay, ardayga badel noogu yimaadda waxaa aanu ku xidhnaa inuu ardaygaasi sito file sharciyeysan oo waaxda waxbarashada galbeedka Hargeysa soo maray, aniga iyo maamule ku xigeenkuna wax badan ayaanu badelay”

Wakhtigii aan iskuulka kadinka ka gallay waxaa ardayda oo safka taagan hadal waano iyo dhiirigelin u badan u jeedinayay maamule ku xigeenka dugsiga Xamse Xasan Siciid “Waxaan leeyahay oo aan mar labaad iyo mar saddexaadba ku celinaya walaahibaan ku dhaartay, oo bilaahibaan ku dhaartay oo tolaahibaan ku dhaartee iskuulka inaanu joogin macalinka aad heysataa, macalimiinta wax idin bara ka ugu yari waa degree, waana wax ILLAAHAY loogu mahad naqo macalimiintiinuna waa ay isdul tuban yihiin, dhankayaga iyo dhanka macalimiinta waad ka dhisan tihiin xagiina waata idinka muuqata oo wax lagu farxo, waxaa aynu ku dedaalaynaa sidii aad kaalmaha hore uga mid noqon laheydeen, arday saaqid ahina fasalna nooma dhex fadhiyo oo waanu idinka reebnay arday kastaana waxaa uu shaqeystay ayuunbuu halkan ku yimid, waxaan idin leeyahay tacabkiina, ka macalinka iyo ka waalidkiinaba aynu wada muujino, aabbahaa iyo hooyadaa danyarta ah ee cadceeda inoo taagan inoo dedaalaya innaguna aynu u dedaalno oo aqoonteenna iyo waxbarashada leynoo soo diray aynu ka faa’ideysano”

Intaai kadib qaar ka mid ah ardayda iskuulka wax ka barta wiilal iyo hablaba leh ayaa ka markhaati kacay sida hagar la’aanta ah ee ay macalimiintu wax ugu dhigaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply