“Berbera Waxay Noqonaysaa Xuddunta Marinka Ganacsiga Geeska Afrika” The Maritime Standard

0
332

Hargeysa (Dawan)- Waraabinta caalamka ayaa wali sii wada falanqeynta wararka la xidhiidha dhagax-dhigii wejiga koowaad casriyeynta dekedda Berbera ee ay maalgelinayso Shirkadda DP World iyo ahmiyadda uu maalgashigaasi u leeyahay dhaqaalaha Somaliland.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin shabakadda The Maritime Standard oo laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay daabacday shalay, waxaanay soo bandhigtay in casriyeynta dekedda Berbera iyo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagani uu Berbera ka dhigi doono xuddunta marin ganacsiyeedka Geeska Afrika.

Sultan Ahmed bin Sulayem Guddoomiyaha shirkadda DP World ayaa sheegay in adeegyada casriga ah ee lagu soo kordhinayo dekedda Berbera uu la xidhiidho sidii ganacsiga geeska Afrika u gaadhi lahaa suuqyada caalamiga ah.

Waxa kaloo uu ku dooday in shacbiga Somaliland uu fursado shaqo ka heli doono maalgashiga shirkadiisu ka wado Somaliland.

Sidoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa bayaamiyey in qorshaha casriyeynta marsadda Berbera looga gol-leeyahay inay u adeegaan dalalka aan badda lahayn ee ay ka mid tahay Itoobiya.

Shirkadda Shafa Al Nahda ayaa ku guulaysatay qandaraaska dhismaha 400 oo mitir oo lagu kordhinayo dekedda Berbera,kaasi oo lagu wado in lagu dhammaystiro muddo 24 bilood ah, waxaanu dhismahani hordhac u yahay heshiis maalgashi oo ay kal-hore kala saxeexdeen Dowladda Somaliland iyo shirkadda DP World, oo la xidhiidha sidii loo ballaadhin lahaa marsada Berbera, waxaana heshiiskaas ku baxaysa lacag dhan $442 Milyan oo doolar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply