Dawladda oo Caddaysay Tallaabada Laga Qaadayo Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee Aan Buuxin Shuruuddaha Laga Rabo

0
339

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha komishanka mihnadleyaasha caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday) ayaa, sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan dhakhaatiirta ajaanibka ah ee aan buuxinin shuruudaha dhakhtarnimo ee looga baahan yahay.

Waxaa kale oo uu caddeeyay in ay xidhayaan dhakhtar aan sheegin xarunta caafimaad ee uu iman doono oo uu tilmaamay in aanay is lahayn da’diisa iyo aqoonta caafimaad ee uu sheeganayo oo xayaysiintiisii la faafiyay lana sheegay in uu galay in ka badan laba boqol oo qalliin.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay diiwaan gelinayaan dhammaan dadka ku shaqeeya mihnadda caafimaadka ee ka hawl gala guud ahaan Somaliland, waxaanu u soo jeediyay in ay si deg deg ah isu diiwaan geliyaan dadka ku shaqeeya mihnada caafimaadku.

Axmed Xaashi Oday, waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay kormeerro shaqo ku tegi doonaan dhammaan goobaha adeegyada caafimaadka qabta isla markaana ka dareerin doonaan cid kasta oo aan diiwaan gashanayn.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay tirakoob ku sameeyeen dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ka ka shaqeeya dhawaanna ay go’aan ka gaadhi doonaan kuwa saxda ah iyo kuwa aan u qalmin in ay dalka ka shqeeyaan.

Waxaa kale oo uu dhakhaatiirta u soo jeediyay in ay dadka u naxariistaan oo ay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyaan bukaanka aan awoodin in ay iska bixiyaan dhaqaalaha caafimaad ee looga baahan yahay.

Dr Axmed Xaashi Nuur (Oday), ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Dr Oday oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay u diiwaan gasahn yihiin xarumaha adeegyada caafimaad bixiya iyo hawl wadeenaha ka shaqeeya, ayaa ku jawaabay. “Qofkasta oo goobaha mihnadaha caafimaadka lagaga shaqeeyo heystaa ha is diwaangaliyo hana qaato liisaanka, berri ka maalin iyaga oo yaacaya oo leh shaqo ayaa la ii diidaay socon meyso, liisankaaguna ha kuu yaallo, xooga caafimaad ee dalku leeyahayna ka mid noqo, waayo haddii aanad diiwaangashaneyn lagugu xisaabtami maayo, waanay dhacaysaa in aannu kormeer dhakhso ah sameyno oo aanu ka dareerin doonno ciddii aan noo diwaangashanayn een liisan heysan qofkasta oo mihnadan caafimaad ku shaqeeyana waanu soo taabaneyna meelkasta oo uu joogo”

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shaqooyinka kala duwan ee xafiiskoodu uu qaabilsan yahay ama qaranka uu u hayo, ayuu yidhi. “Xafiiskayagu saddex shaqo oo waaweyn ayuu qabtaa, dadka caafimaadka bartay hubintooda iyo ruqsad siintoodaa, ta labaad waxaa weeyi qofkaasi meesha uu ka shaqeeyo iyadana in la hubiyo qalabka uu heystaa ma yahay mid ku habboon, jaamacad ayaa laga soo bartaa aqoonta caafimaadka, jaamacadaaasi laab wanaagsan ma heysataa macallimiin fiican ma heysataa, saddexdaasi qaybood mid waliba ahmiyaddeeda ayay leedahay oo liisan ayaanu siinaa, hadday jaamacadda tahay, hadday cisbitaallada tahay, iyo hadday shaqsiga tahayba .”

Dr Oday oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “Komishankayaga wixii uu xukumayay oo dhan ayaa ka hor kacay, oo iyadoo qofkastaaba wax badani u qabsoomeen ayaa komishankayagan la aasaasay, bulshadana waxaanu baraneynaa inuu is diiwaangeliyo oo uu shahaado qaato, sababtoo ah haddii qofkii uu daaweynayay u wax noqdo, annaga ayaa na loo imanayaa, markaa qofkii in aanu nidhaahno waanu garaneynaa iyo maba garaneyno, marka haddii aanu nidhaahno waanu garaneynaa waxay noqoneysaa in qofka saacadiisi oo dhamaatay uun u ifka ka tagey, laakiin haddii aanu nidhaahno ma garaneyno waxaa dhacaysa in dhakhtarnimadiisi shaki gasho, markaa hawshaasi waa hawl aad u mihiim ah dadkuna aad ugu baahan yahay, dalkana maanta waxaa kharibay mushkiladda xeerka laga horreeyay.

labada meheradood ee ugu macaashka badan ee aan khasaarahaba laheyni waa caafimaadka iyo waxbarashada, imika halkaasi waxaa kugu imanaya nin aan waligii meel qof lagu dabiibayo ama lagu daaweynayo arag, hase ahaate cid wata oo ku odhanaya waxaan doonaya inaan furto goob caafimaad, xataa wax fikira oo uu ka heystaa ma jiro”

Gudoomiye Axmed Xaashi Nuur waxa kale oo uu xusay in wixii ajaaniba ee sharciga u qalma inay siin doonaan wixii kalena ay wadanka ka saari doonaan waxaanu yidhi “Goboladda dalka oo dhan ayaanu sookormeernay si aanu u ogaano dadka ajaanibka ah ee ka hawlgala, Hargeysa, Burco, iyo Boorama ayaa ugu badan, waxaanu aad uga xunnahay in ajaanibka noo diiwaangashan iyo ay kala fog yihiin inta aanu soo aragnay, waanu soo tirakoobnay inta ajaaniba ee wadanka ku sugan, marka go’aankayagu waxaa uu yahay in dhawaan wixii sharciga u qalmaana ay sharciga qaataan wixii kalena dhakhso uga baxaan haddii ILLAAHAY yidhaaho,dhakhaatiirtu isku mid maaha ee midbaan halkan ku hayaa da’diisa iyo shaqada uu qabta aanay is laheyn oo xayeysiintiisii socoto waxaana ku qoran laba iyo labaatan kun iyo shan boqol oo qalliin inuu sameeyay, xanuun kasta oo dadka laga qaloba wuu yaqaan weeyaan haddaba intee in le’eg ayuu wax baranayay ayaa isweydiin leh wali dalkana muu soo galin haddii uu yimaadana waanu xidhayna oo shaqeyn maayo ”

“In badan oo bulshada ah oo marka la yidhaaho 200 dollar keen waa lagu qalayaaye aan meel ay ka soo qaadaan jirin ama wey u dhiman doonaan ama ILLAAHAY baa cid u bixin doona markaa dhakhaatiirta waxaan kula talinlahaa inay dadkooda hoos u eegaan oo ciddii aan kari karin ay meel gaar ah u furaan oo leysku caafimaadiyo”

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply