Xukuumadda oo Caddaysay in Cabashadu Furan Tahay Is Magacaabistuna Dambi Qaran Tahay

0
384

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay in ay furan tahay isla markaana ay soo dhawaynayso una dhego nuglaanayso cabashada dadweynaha laakiin ay dambi qaran tahay in xil aan jirin oo aan sharci ahayn in ciddi isku magacawdo oo ay sheegato wax aanay ahayn oo aan jirin oo xad gudub ku ah qarannimada Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo shalay ka hadlay shaqsiyaad ciidanka boolisku xidhay oo sheegtay xilal sharci darro ah oo baalmarsan qaanuunka dawladnimo ee Somaliland, ayaa intaa raaciyay in ay soo dhawaynayaan in dadweynuhu ay isu tagaan oo ay wax qabsadaan isla markaana dawladdooda ay ka caban karaan, waxaanu yidhi. “Arintaasi waa arrin dambi ah oo aan la filayn dadweynuhu way caban karaan oo dareenkoodana way soo gudbin karaan laakiin in lagu dhawaaqo oo la sheegto maayarro waa dambi qaran oo warbaahinta laga sii daayo, magaalada Hargaysi waxay leedahay gole deegaan oo la doortay cid kale oo maayar sheegan kartaana ma jirto waa dambi. waanay jiraan qaar xidhan qaar kalena waa lagu dabo jiraa.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay “ciddii isku dayda in ay sheegato xilal aan sharci ahayn tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa. Dhawr qof ayaana xidhan sharciga ayaana la hor gaynaa”.

Guddoomiye Jaamac waxaa uu sheegay in dadweynuhu xaq u leeyihiin in ay cabashadooda soo gaadhsiiyaan Xukuumadda iyo in ay xukuumaddu ka dhegaysato oo ay u dhego nuglaato waxaanu soo dhaweeyay in dadweynuhu ay wax qabsadaan, waxaanu yidhi . “dadweynuhu in ay horumarka ka qayb qaataan waa wax la ogol yahay waanay ku mahadsanyihiin dadweynuhu cabashadoodana in ay soo gaadhsiiyaan xukuumadda xaq ayay ugu leeyihiin in loo dhego nuglaadaana waa waajib, laakiin waa dambi qaran ciddii sheegata maamul dawladeed aan sharci ahayn”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply