Xukuumadda oo Sheegtay in Xisbiyada Mucaaradku Sharci ku Yihiin Dastuurka

0
363

Hargaysa (Dawan):-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xisbiyada mucaaridku sharci ku yihiin dastuurka qaranka, isla markaana wax kasta oo dastuurka dalka Somaliland ka hor imanaya in ay yihiin sharci darro loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto oo dhan laga wada ahaado, lana ixtiraamo shuruucda dalka iyo qawaaniinta dawladnimo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somailand, Maxamed Kaahin Axmed oo shalay kulan la qaatay guddida arimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyada ee golaha wakiilada, ayaa intaa ku daray in guud ahaan xaaladda dalku wanaagsan tahay oo ay nabad gelyo tahay loona baahan yahay in wixii sharci darro ah aan la taageerin, isla markaana aan la buun buunin.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu ka hadlay in aan loo baahnayn in la buun buuniyo oo wax wayn laga dhigo cid sheegatay wax aan sharci ahayn oo ku geftay dastuurka dalka oo laamaha ammmaanku tallaabadii ku habboonayd ay ka qaadeen.

Maxamed Kaahin oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Horta marka ugu horreysa inagu qaran baynu nahay, qarankeenuna hal dastuur ayuu leeyahay, waxaanu halkaasi dastuur tilmaamayaa shuruuc iyo qawaanin distoorka qaranka ka farcanta, had iyo jeerna in la buunbuuniyo oo wax weyn laga dhigo maaaha ciddii iska sheegatay maayer, mucaaridkuna xeerka iyo distoorka qaranka Somaliland ayuu ku jiraa, waana cid baalmartay cidday doontaba ha ku adeegatee xeerkii qarankani lahaa, Ciidamada booliska iyo nabad gelyadduna talaabadii kaga aadaneyd waa ay ka qaadeen”

Mar uu wasiirku ka hadlayay xeerka hab maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka ee ee 23 waxaa uu yidhi. “Xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalku waa Xeer ku samaysan hab maamulka iyo hab dhaqanka golayaasha deegaanka ee dalka, xeerkani muddo ayaa lagu soo shaqaynayay waxaana lagu kordhinayaa wixii u baahan in wax lagu kordhiyo.

Xeerkan 23 ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaa hadda lagu samaynayaa kaabis iyo wax ka bedel.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply