Guddoomiyaha Sool oo ka Hadlay Khasaaraha Dagaalka Dhumay

0
387

Laascanood (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar), ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaal labadii maalimood ee u danbayey ka socday duleedka tuulada Dhumay oo 40 Km u jirta magaalada Laascaanood. Waxaanu sheegay in colaadaasi ay ku dhinteen dad ka badan konton qof, tiro badannina ay ku dhaawacantay.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar) waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay juhdi badan gelisay sidii nabad waarta looga dhallin lahaa in ka badan siddeed deegaan oo ay wadda degaan labada beelood ee ku dagaalamay tuulada Dhumay.

Guddoomiye Gargaar, waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Somaliland ay weji kale uga wareegayso xalinta iyo soo afjaridda colaadaasi, maddaama oo ay markii tobnaad ka baxeen dhaartii EEBBE, waxaanu yidhi “Xukuumadda ahaan nabadayn baanu ka galnay, culimadda ayaanu iskugu yeedhnay, maxkamad Islaami ah ayaa loo saaray, guddi xeerbeegtiya iyo dhaqan ah ayaa ka hawl-gashay, ciidan ayaanu gaynay, wax baa loo kala xukumay, waa la dhaariyey. Intaa midna wax kumay qaadan oo way jebiyeen xataa dhaartii, ma garanayno waxa danbe ee hadhay.”

Guddoomiye Cabdirashiid oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Laascanood ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeed, waxaana uu yidhi “Dhumay ayaa shalay layska helay oo ay ciidamadu uga guureen deegaanka Dharkayn, laakiin shalay way ku soo noqdeen markii dagaalka foosha xuni ka bilaabmay, dhimashadu waa konton, dhaawacuna waa in ka badan siddeetan qof”

Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar) ayaa sheegay in dowladdu ay ku hawlan tahay qorshihii labaad ee laga yeelan lahaa colaaddaasi u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ah. maadaama ay fulin waayeen dhaartii iyo wacadkii EEBBE waxaanu yidhi “Dowladdu waxay ku hawlantahay oo u fadhidaa in qorshihii hore la bedelo maadaama ay isku naxi waayeen, dhaarna celin wayday, waxa hadhay in la bedelo qaabkii hore ee loo galay oo ciidanka inta ugu xoogga badan la geliyo oo aan loo tudhin, degmo kastana oo ay joogaan iyo tuulo kastaba oo ay joogaan ba.”

Dagaalkan ayaa barakiciyey kumannaan qoys oo degaano kala duwan ku dhaqnaa oo ay ka mid tahay Dhumay, Dharkayn, Sabataag iyo degaano kale oo maalmihii nabadaynta ka dib isu soo dhowaansho iyo wada deganaanshiyo ka bilaabmeen.

Cisbitaalada Laascaanood ayaa dhammaantood la dalaa dhacaaya gurmadka iyo samotabinta dhaawaca oo haatan tiradiisu sii kordhayso, iyada oo qaar badana haatan ay jidka ugu soo jiraan Burco iyo Hargeysa.

Lama saadaalin karo dagaalkan oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa abid ee soo mara deegaanada gobolka Sool, waxaase su’aalo badan ka imanayaan waxa lagu kala xukumi doono maadaama uu noqday dagaalkii lixaad ee Xukuumad, Culimo, waxgarad iyo guurti u fadhiisato xalinta collaadaasi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply