Wasiirka Isgaadhsiinta oo Meesha ka Saaray Jiritaanka Hadal ka Soo Yeedhay Guddoomiye Cirro

0
345

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland Prof .Cabdwali Sheekh Suufi Jbriil, ayaa meesha ka saaray jiritaanka hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo sheegay in xukuumaddu soo kiraysatay shirkad u dhegaysata taleefoonada xisbiyada mucaaridka.

Waxa kale oo uu wasiir Prof. Cabdiwale caddeeyay in marka loo baahdo in qof la dhegaysto ay tahay mar ay u baahdeen hay’addaha ammaanka qaranku taasna aan la iska dhegaysan karin laakiin hannaanka sharciga dalka loo marayo, sharci fasax oo aan loo helinna aan la dhegaysan karin.

Waxa kale oo uu ka hadlay qalab wasaaradda isgaadhsiintu soo iibsatay oo loogu talo galay in lagu kaydiyo xogta dalka ee shirkaduhu hayaan oo ay u wasaaradda u soo gudbinayaan.

Wasiirka oo ka hadlayay hannaanka casriyaynta isgaadhsiinta dalka iyo waxyaabaha ay bulshadu xaqa ugu leedahay shirkadaha bixiya adeegga isgaadhsiinta sidii dib u eegis ay ugu samayn lahaayeen in shirkadaha iyo macaamiisha ay u adeegaanba mid kastaaba uu helo wixii uu ka kale xaqa ugu lahaa.

Wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa yidhi.“annaga oo ka duulayna xuquuqda macaamiisha shirkadaha isgaadhsiinta qiimaha adeegyada ay bixinayaan iyo qiimaha ay saaraan dadka ayaanu dib u eegis ku samaynaynaa adeegga shirkaduhu u qabtaan macmiilka iyo in qofka macmiilka ahi uu helo wixii uu xaqa u lahaa,marar badan waxa dhaca qofka macmiilka ahi isaga oo hadlaya in uu hadadlkii ka go’o markaa nidaamkan aanu wadnaa waxa uu na siinayaa in aanu ogaano sababahaas ma gaabis dhinaca shirkadaha ah baa mise dhinaca macmiilka,qofka muwaadinka ahina wuxuu xaq u leeyahay in uu helo adeeg hufan waxaanu xaq u leeyahay in aanu hadalku ka go’in intaa uu adeegaa ku jiro., waxa kale oo aanu wadnaa in aanu horumarino Suuqa Isgaadhsiinta haddaan xog la helinna ma suurto gelayso in horumar la sameeyo.”

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in nidaamka ay wasaaraddu soo iibsatay uu yahay hanta qaran laakiin aanu ahayn mid ay soo kiraysteen oo shirkado kale leeyihiin iyo in aanu ahayn mid lagu dhegaysan karo ama lagu duubi karo wada hadalka dadka laakiin uu yahay nidaam wax tegay lagu kaydinayo. “Nidaamkan qaranka ayaa leh waxaana iibsatay wasaarada Isgaadhsiinta marka la leeyahay Telefoonnada ayaa la dhegaysanayaa waxay u baahantahay qofku marka uu telefoonka garaaco in uu duubo ayay u baahan tahay,laakiin sistamka wasaaraddu iibsatay waa wax mar hore dhacay xogtana wasaaraddu waxay ka helaysaa oo u soo gudbinaya shirkadaha,xogtaana waliba waanu hubinaynaa in ay tahay mid sax ah,marka ay noqoto in la dhagaysto waa sistam kale oo u baahan in la helo qalab iyo sistam kale oo aan kan ahayn.”

Ugu dambayn wasiir Cabdiwali waxaa uu caddeeyay sida keliya ee qof lagu dhegaysan karo oo ah in sharci loo maro taasoo ku iman karta oo keliya in ay laamaha ammaanku ku daba jiraan iyaguna aanay iska dhegaysanayn ee ay sharci u marayaan si ay hawshaa ammaan ugu fududeeyaan shirkaduhu,waxaanu yidhi.haddii hay’adaha ammaanku u baahdaan in qof ay laamaha ammaanku daba galaan waxay noqonaysaa in loo maro sharciga.iyadoo aan sharci loo marinna qofna lama dhegaysan karo.”.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply