Guddoomiyaha Hawd oo ka Hadley Khilaafka Golaha Deegaanka Baligubadle

0
349

Baligubadle (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide oo ay weheliyaan guddida nabadgalyada gobolkaasi, ayaa ka hadlay Khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay xubnaha golaha dceegaanka ee degmada Baligubadle.

Badhasaabku waxaa uu waxba kama jiraan ka dhigay xil ka qaadista lagu sameeyay maayirkii hore ee golaha deegaanka degmadda Baliguabdle ee gobolka Hawd Cabdi Iimaan Jaamac, waxaanu sheegay in uu isagu maayir yahay inta xilka qaadistiisu mid sharciya noqoneyso.

Sidoo kale waxaa uu xusay in haddii ay joojin waayaan xildhibaanadu nabadgelyodarrada ay degmadaa ka wadaan in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo arrimahooda la xidhiidha.

Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasin Maxamed Shide isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Sidaad og tihiin maalmahan waxaa degmadda Baligubadle ee gobolka Hawd ka jirtay xiisad siyaasaddeed, xiisadaasi siyaasadded oo ka dhex aloosneyd golaha deegaanka ee degmada Baligubadle, taasina ay keentay nabadgeliyo darro, iyadda oo ay labada dhinac ba ay adeegsanayaan dhalinyaro”

Sidoo kale waxa uu sheegay Yaasin in arrimaha la xidhiidha xil ka qaadis amase doorasho lagu sameynayo loo raacayo xeerka goboladda iyo degmooyinka dalka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Markaa waxaan soo jeedinayaa cidii nabadgeliyo daro lagu qabto, ee deegaanka nabadgelyo daro ka sameysa talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadeynaa, xildhibaanadda waxaan leeyahay waxaa la yidhi awr xamilkii wuu qaada laakiin xadhig qaloocan ma qaado, markaad wax dooraneysaan waxaad wax ku dooraneysaan waa sharciga u yaala degmooyinka iyo goboladda, markaad wax rideysan amase sidoo kale aad wax dooraneysaan waxaad ku dooraneysaan dastuurka, laakiin hadii inta xarumaha dawladda aad burburisaan aad tidhaahan waxna waanu ridnay waxna waanu dooraney, idinka ayaa sharcigii gacantiina ku fushaday, taasina cid idinka aqbaleysaa ma jirto wixii aad dooneysaan inaad fulisaan wadada sharciga ah u mara”

“Xildhibaanadu waxaa ay sheegeen in ay maayirkii hore xilka ka qaadeen ku cusubna doorteen, inta xafiis dawladdeed la burburiyo hoostiisana laga hadlo ama buuq la abuuro maayir laguma doorto, ridista maayir wado sharciya uunba lagu ridi karaa, wasaaraddii arrimaha gudaha ayaynu leenahay”

Ugu danbeyn badhasaabka gobolka Hawd Yaasin Maxamed Shide waxaa uu xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadda Baligubadle uga digey inay nabadgeliyadaro sameeyaan waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Hadii aad tihiin xildhibaanadda waxaa wasaaradda arrimaha gudaha idinka soo gaadhay waraaq markii ay idiin timidna waxaad sameyseen fawdo, taasina waa danbi aad qaranka ka gasheen shacabka aad gasheen, degmadda ka gasheen, hadii aad joojin weydaan nabadgeliyo daradda aad wadaana talaabo sharciga waafaqsan oo arrintiina la xidhiidha ayaa leydinka qaadi doonaa, laamaha abniga maxkamadda waxaan faraya cidkasta iyo qof walba xasaanadda uu doono ha sitee in la soo qabto, maayir la riday iyo mid la doortay midna ma jiraan, waxaana maayir magaaalada ka ah Cabdi Iimaan Jaamac, ilaa inta laga helaayo sifo sharci oo xilka looga qaado”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply