Xukuumadda oo Shaacisay Tallaabada ay ka Qaadayso Shaqaaqada Gobolka Sool

0
340

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay cidda ugu horraysa ee xukuumaddu ay tallaabada koobaad ka qaadayso, kadib colaadda dib uga soo cusboonaatay koonfurta gobolka Sool oo mar kale uu ka dhacay dagaal dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo xurguf hore u dhex martay la soo afjaray, go’aamona laga soo saaray isla markaana labada beeloodba ay aqbaleen.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in xukuumaddu aanay u dulqaadanayn in maalin walba la qabto shir nabadeed oo nabad la wada qaato lana dhaarto oo haddana dhiig kale la daadiyo oo dhaarta ALLE lagu kala joogsan waayo.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxa kale oo ugu baaqay labada beelood ee walaalaha ah in ay colaadda joojiyaan oo ay ALLE u soo noqdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa caddeeyay in xukuumadda Somaliland horena xoog u gelisay nabadaynta labada beelood iyo soo afjaridda colaaddaas imikana ay diyaar u tahay.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aad iyo aad nasiib darro u ah oo ummadda Somaliland ka nixiyay beelaha isku deegaanka ah, ee la soo afjaray colaadoodii dhextaalay ee tacabka faraha badan la geliyay, sidii loo soo afjari lahaa colaadaas, beelahaas oo wada deggan koonfurta iyo hawdka gobolka Sool, hawshaas oo aanu soo afjarnay khasaare aad u fara badanna geystay, markii hore, haddana waxa murugo leh oo naxdin leh in shaqaaqadaasi dib u soo cusboonaatay oo labadii geelood dagaal iskaga hor yimaadeen, iyada oo la dhaariyay labada beeelood. Waxaan leeyahay dhibaatadaa raganimo dadnimo iyo islaamnimo midna kuma jirto. Dad ayaa ku dhimanaya. waxaan leeyahay dagaalkaa halla joojiyo oo dadkana haloo tudho.”

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay cidda ugu horraysa ee dagaalka dib uga dhex bilaabmay labada beelood ay tallaabada koobaad ka qaadayaan,ayaa yidhi “Arrinkan xukuumaddu wax ka qabadkiisa xoog ayay saaraysaa, dadka talaabada laga qaadayana waxa ugu horraynaya dadka masuuliyaddu gelayso ee waayeelka ah ee labada Beelood.

Xukuumaddu culays xoog leh iyo awood ciidan ayay saaraysaa oojinta dagaalkaas ciidamada qarankuna tallaabo ayay ka qaadayaan, waanay kala dhex galayaan beelahaa walaalaha ah. Loomana dul qaadanayo in maalin walba la isu dhaarto oo haddana dhiig daato.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply