Hooyo Hindistay Guri Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland

0
432

Hargeysa (Dawan)- Hooyo Waris Amiin Cigaal, waa mid ka mida hooyooyinka ku nool magaalada Hargeysa, isla markaana tahli kariweyday oo heynteeda dhaqaale u goyn kari weyday dhismaha guri daara oo ka sameysan jaajuur.

Balse hooyaddani waxa ay keentay fikir iyo hal abuurnimo cusub, oo ay ubadkeeda uga sameysay guri ay galaan, kaas oo ay ka samaysay caagadaha biyaha laga cabo ee qashin ahaanta loo tuuro.

Weris Amiin Cigaal, waa hooyo 78-jir ah waxaa ay degan tahay dhanka koonfureed ee biriishka labaad ee magaalada Hargeysa, waxaa uu qoyskeedu ka kooban yahay 33 qof oo wiilal iyo gabadhba leh.

Hooyaddani waxa ay xukuumadda talada dalka heysa ugu baaqday in laga taageero kharashka shan caruura oo u baahan in ay galaan jaamacado, oo ah dhalinyaradii dhawaan ka baxday dugsiyadda sare ee dalka. Maadaama oo uu aabahood xanuunsanayo, isla markaana uu ku xidhan yahay Iclaaj.

Weris oo aanu ku booqanay goobta ay gurigani ka bineysay ayaa xiligii aanu u tagney gacanta ku heysay iyada iyo rag farsamo yaqaano ah oo ku hawlanaa dhismaha gurigan.

Hooyo Waris Amiin Cigaal, waxay sharraxaad ka bixisay sababta ku dhalisay in ay gurigan ka samayso qashinka caagadaha biyaha, waxaanay tidhi “Waxaa igu dhaliyay makhsinkan imika dhismihiisu socdo, reerkayga oo ah reer ballaadhan, waxaanu nahay qoys sabool ah oo aan lacag heysan.

Caagadaha ururintooda ay dawladdii hoose ee Hargeysi u itaal weyday ayaan anigu soo ururiyaa, waxaana qorshaheygu yahay in aan ka dhisto ugu yaraan shan maqsin, sababta oo ah saddex iyo sodon ruux ayaanu daaradan aad aragtaan ku degannahay, markaa waa in wiilku iskuulkii ku dhigto, wiilasha iyo gabadhahana aanu ku kala kaxeyno, markaa waa hawshaasi iyo nimcadda Illaahey ii barakeeyay ee Hargeysa taala, awoodayadda dhaqaale oo yar darteed ayaa noo geysay in aanu caagadaha biyaha laga cabo ee la tuuro aanu guri ka dhisano. Sababta oo ah mushaharka aan dawladda ka qaataa, waxa weeyea siddeed boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah, wixii la helaaba waa Illaahey mahadii.

Xukuumadda taladda heysana waan uga mahad naqayaa, maqsinkana marka uu dhammaado waxaa gali doona laba wiil oo dhawaan jaamacaddaha soo dhameeyay.”

Hooyo Waris Amiin Cigaal waxaa ay sheegtay in dhismaha gurigani ay u sahashay ciid aan lacag laheyn waxaanay tidhi “Gurigan dhismihiisa waxaa ii sahlay oo aan ku dhisay ciid aan lacag laheyn, taas oo aan caagadaha ku shubo, ciidda guriga lagu dhisayana waxaan ka soo qaataa deegaanka Arabsiyo, dhulka kale markii la ii diiday deegaanka Arabsiyo ayaan u doontayaa.

Lacagta mushqaayadda ah ee aan siinayo ragga shaqaalaha ah ee guriga ii dhisayana mushaharkayga ayaan ka bixiyaa oo aan ku debaraa, ubadkeygana waxaan siiyaa cuntada waddaniga ah, oo hadhuudhka ayaanu iska cunnaa.”

Hooyo Waris waxa ay xukuumadda taladda dalka heysa ugu baaqday in laga taageero kharashka shan carruura oo u baahan in ay jaamacaddaha galaan, waxaanay tidhi “Kaliya waxaan xukuumadda taladda dalka heysa ka codsan lahaa in shan carruura oo dugsiyadda sare iiga baxay leyga bixiyo fiiga jaamacaddahooda, ubadkaasi uu dhalay Yuusuf Muxumed Doob-aroos imika ku xidhan Cilaajka Ina Khamriile, ayaan ka codsanaya oo uu garanayo madaxweynaha qaranku mudane Muuse Biixi Cabdi in leyga bixiyo lacagta jaamacaddaha”

Waastaadka dhismaha gurigani gacanta ku haya oo isna warbixin kooban naga siiyay hannaanka binada gurigani u socdo ayaa yidhi “Nashqada gurigani loo dhisayo waxaa iska laheyd Hooyo Waris Amiin Cigaal, Waxa ay keentay camuud iyo caagado intaasi kadibna waa ay isku gurtay, sibidhkiina waa ay soo iibsatay aniga oo marka horeba ahaa farsamo yaqaan gacanta ka shaqeyn jiray, markaan arkay in dhawr wastaad ka yaaceen oo gurigii qalqaloocsamay ayaan gurigii dib u dumiyay oo aan seeska hoose ka soo kiciyay, markaa iminka waa kaasi liitarka taagan, guushiisa iyo dhameystirkiisana waa mid aynu wada sugayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply