Go’aamo lagu Taageeray Xukuumadda oo ka soo Baxay Shirkii Dhaqanka ee Burco

0
414

Burco (Dawan): Shir dhaqameed muddo shan maalmooda magaaladda magaalada Burco uga socday beesha gaashaan buur Axmed Faarax, ayaa shalay la soo geba gabeeyay, waxaana xidhitaanka shirkaasi laga soo saaray 15 qodob.

Shirkaasi ayaa mudadii uu socday waxaa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha aayo ka tashiga beesha iyo sidii ay beeshu u taageeri lahayd horumarka ay dalka waddo xukuumadda taladda haysa iyo sidii ay uga qayb qaadan lahayd ilaalinta wada jirka ummada Somaliland.

Waxaana gebagebadii shirkan ka soo qayb galay madax dhaqameed tiro badan, oo isugu jiray salaadiin, cuqaal, waxgarad iyo sidoo kale siyaasiyiin, aqoon yahan iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka.

Sidoo kale waxaa xidhitaanka shir beeleedkaasi ka soo qayb galay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, xubno ka socday xisbiyadda mucaaradka ah, ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kaloo badan.

Qodobadii shirkaas ka soo baxay waxay u dhignaayeen sidan:

1: Beeshu waxay si buuxda u taageersan tahay jiritaanka iyo gooni isu taaga Somaliland.

2: Beeshu waxay si buuxda u taageersan tahay dawladda Somaliland ee uu hogaaminayo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

3: Beeshu waxay ka mid tahay beel-weynta Habar jeclo, waxaanay diyaar u tahay in ay ka shaqayso midnimadda iyo wada jirka beelaha Habar jeclo.

4: Beeshu waxay baaq nabadeed u diraysaa dhamaan deegaamadda Soomaalida ee ay ka jiraan colaadaha iyo dagaalada sokeeye, waxaanan ugu baaqaynaa in Illaahay laga baqo lana joojiyo dhiiga muslimka ee daadanaya.

5: Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan bulshadda reer Somaliland in aynu ilaashano nabadda iyo xasiloonida oo ah furaha nolosha.

6: Beeshu waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland in tabashooyinka jira xal-waara loo helo.

7: Beeshu waxay ugu baaqaysaa xisbiyada iyo bulshada Somaliland in meel looga soo wada jeesto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wada jirka qarannimadda Somaliland. Wixii tabasho ah na loo maro waddada wadahalka iyo walaalnimadda.

8: Beeshu waxay diyaar u tahay inay kaalin mug leh ka qaadato turxaan-saarka iyo isu soo dhawayta bulshadda reer Somaliland.

9: Shirku wuxuu ku baaqayaa in la ilaaliyo deegaanka laga na dhawro wax walba oo waxyeelo ku ah. dawaldu na ay dedaalkeeda ilaalinta deegaanka ay sii kordhiso.

10: Beeshu waxay isla-garatay in la horumariyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaamadda ay degto, iyadoo lala kaashanayo dawladda iyo cid walba oo kaalin ka gaysan karta sida qurbe joogta iyo hay’adaha samofalka.

11: Beeshu waxay ugu baaqaysaa qurbe joogta Gaashaanbuur in ay xoojigaan midnimadooda iyo wada jirkooda, isu na kaashadaan sidii ay dalkooda u soo maalgashan lahaayeen.

12: Shirku wuxuu go’aan ku gaadhay in la sameeyo Hay’ad Samofal oo ka shaqaysa arrimaha kheyriga iyo wacyigelinta bulshadda.

13: Shirku wuxuu ugu baaqaayaa dawladda, goleyaasha qaranka, xisbiyada qaranka culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo dhamaan bulshada Soomaliland in meel looga soo wada jeesto aafooyinka maandoorayaha. Sida Qaadka Khamriga iyo qabyaaladda xadhkaha goosatay, gaar ahaan dhalinyaradu inay arrimahaas ka fogaadaan.

14: Shirku wuxuu ugu baaqayaa warbaahinta inay ILLAAHAY SWT ka baqaan oo ay joojiyaan faafinta wax walba oo bulshada wax yeelo u ah oo ay ka mid tahay qabyaaladda.

15: Ugu danbayn, Waxaan ILLAAHAY SWT ka baryeynaa in ummada muslimka ah guud ahaan gaar ahaanna ummada Soomaaliyeed uu ka dulqaado dhibaatooyinka haysta wixii wanaag ah ee ay haystaana uu u kordhiyo.

Xubno ka mid ahaa masuuliyiintii xukuumadda Somaliland ka socday, siyaasiyiintii iyo aqoon yahankii shirkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay.kuwaasoo ay ku tilmaameen qodobo waxtar weyn u leh beesha iyo dawladnimadda Somaliland.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in soo dahwaynayo qodobadda shirkaas ka soo baxay. Waxaanu sheegay in qodobada gunaanadka shirka laga soo saaray ay noqoyaan qodobo tilmaamaya sida ugu wanaagsan ee ah in looga shaqeeyo ilaalinta nabadgelyadd iyo horumarka Somaliland.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay qodobadda ka soo baxay shirkaas, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay yihiin qodobo ku saabsan horumarka iyo sidii xukuumadda loo garab istaag lahaa.

Geesta kale madax dhaqameedkii shirkaas ka soo qayb galay oo qaar ka mida ay halkaas ka jeediyeen ayaa waxay si isku mida u soo dhaweeyeen qodobadda shirkaas ka soo baxay, isla markaana ay qodobadaas u arkaan kuwo qiimo leh oo faa’iido wanaagsan u leh beesha iyo qaranka Somaliland ba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply