Hargeysa: Munasibad lagu Bahinayay Xeerka Qandaraasyada Qaranka

0
354

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay munaasibad lagu baahinayay xeerka qandaraasyadda qaranka oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo ugu horreyn munaasibadan iba-furay ayaa faahfaahin ka bixiyay faa’iidada xeerka qandaraasyadda qaranku u leeyahay bulshadda iyo guud ahaan ba dalka Somaliland.

Yuusuf Maxamed Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhanka dhaqaalaha haddaan ka eego waxa aynu ka faa’ideynaa in si siman dadka oo dhami uga qayb qaataan kheyraadka ummadda, bari illaa galbeed uu si siman dadkii u gaadho.

Faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah, marka ay dawladdu wax iibsanayso ama ay bixinayso qandaraas, iyaduna marka loo tartamo waxay helaysaa kuwa ugu wanaagsan, oo korinaya qandaraasyada dawladda iyo tartanadda loo siman yahay, intaasi marka ay dhacdo dawladda cashuurteedii way kordhaysaa. Waxa kale oo ay kordhinaysaa in ay wax waliba noqdaan wax bannaanyaala oo cid waliba arki karto, oo xisaab xidh saxa leh oo loo tartamayo oo kii helay iyo kii laga helayba labaduba ay iyaga oo faraxsan ka baxayaan.

Waxaan cod dheer ku codsanayaa in hay’addaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay iyo dhammaan cid kasta oo ku shaqo yeelan kartaa in ay maraan nidaamkaas.”

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in xeerkani uu Somaliland ka caawinayo xidhiidhka ay la leedahay bulshadda caalamka waxaanu yidhi “In adduunyadu macaamil inala sameyso ama wixii inaga dhexdeena yaala aanu lumin amase gacmo gaara aanu ku ururin ayuu xeerkani dawo ka yahay, markaa xeerkani waxaa uu inaga caawinayaa is dhexgalka aynu la yeelanayno bulshadda caalamka”

Maxamed Diiriye Xayd oo ka mida guddida qandaraasyadda qaranka ayaa ka hadlay nidaamka ay u soo xushaan shirkaddaha qandaraasyadda ay siiyaan ee ku guulaysta tartanka waxaanu yidhi “Waxaanu samaynay in cid kasta oo aanu tartan u qabaneyno aanu ka dhigno tartan daahfuran, oo qof kastaaba ka soo qaybgalo, oo aanu baahino oo mudada aanu baahineyno sanduuqii wax lagu ridi jiray aanu joojinay, jaamacadda Hargeya iyo hoolka shaqaalaha oo kale ayaanu geynay. Waxaannu hortiina ka balan qaadeynaa in aanu ku shaqayno xeerkaasi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply