“Waa in Guddoomiyaha Waddani uu Naftiisa u Sheego in Laga Guulaystay”

0
389

Hargaysa (Dawan):-Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi diyaar u yahay inuu dhammeeyo wixii tabasho ah ee ay beeluhu qabaan, isla markaana ay is arkeen suldaanka guud iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo iyo madaxweyne Muuse, si fiicanna isu afgarteen.

Xildhibaan Bukhaari, waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani in uu wali ku qanci kari la’yahay in doorashadii lagaga guulaystay oo la soo dhaafay ka hadalkeeda.

Waxaanu u soo jeediyay taageerayaasha xisbiga Waddani in ay la xisaabtamaan guddoomiye Cirro oo ay waydiiyaan sababihii keenay in ay xisbigoodu dhaco.

Waxaanu intaa raaciyay in guddiga doorashooyinku ay mudan yihiin in lagu abaal mariyo billad sharaf ee aanay ahayn in la xag xagto, iyaga oo si caddaalad ah u qabtay doorasho aad u adkayd.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in guddoomiye Cirro naftiisa u sheego in lagaga guulaystay doorashadii, waxaanu yidhi. “Waxa loo baahanyahay guddoomiyaha xisbiga Waddani inuu naftiisa u sheego in doorashadii lagaga guulaystay, waxaanan rumaysannahay in Cabdiraxmaan Cirro ku qancin kari waayay taageerayaasha xisbiga Waddani sababihii xisbigaasi u dhacay, waxaanu eeddii saarayaa madaxweyne codka shacabka helay iyo komishanka doorashooyinka qaranka ee dhex dhexaadka ah.

Hadaladaa ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cirro waa meel ka dhac waana inay taageerayaasha xisbiga Waddani la xisaabtamaan, guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ay waydiiyaan sababta keentay dhicitaanka xisbiga Waddani ee aanay eedda saarin guddida doorashooyinka.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in la kala diro Komishanka doorashooyinka. Waxaanu yidhi “Lama aqbali karo sabab la’aan in Komishanka doorashooyinka la kala diro, oo la kordhiyo tirada guddida doorashooyinka, wax la aqbali karo maaha, haddii qof kastaaba wuxuu soo jeediyo la yeelo Qarannimada Somaliland ayaa burburaysa, markaa komishanka doorashooyinka in wakhtigooda ay dhamaystaan xaq ayay u leeyihiin.

Xisbiga Waddani waxaaan leeyahay haddaad dhacdeen idinku is canaanta, komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, doorashada si dhexa ayay u qabteen, waxaanay mudanyihiin in la siiyo bilad sharaf. Sababta oo ah doorasho adag ayay qabteen”.

Waxa kale oo uu ka hadlay xildhibaan Bukhaari kulan madaxweynaha Somaliland ku qaabilay Suldaanka guud ee beesha xildhibaanka iyo haldoorkooda oo ay kaga wada hadleen arrimo beeshu tabanaysay. Isla markaana si wanaagsan la isula qaatay wax ka qabashadoda iyo in madaxweynuhu uu diyaar u yahay arrintaas, waxaanu yidhi “Tabashooyinka reeraha iyo xisbiga waa in la kala saaro. Beesha aan ka soo jeedaa dorraad madaxweynaha waxaa la kulmay Suldaanka guud, haldoorkooda iyo siyaasiyiintooda si fiican ayay wax isula meel dhigeen, waanay is-afgarteen, madaxweynuhuna waa u diyaar inuu dhammeeyo waxay tabanayaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply