Hargeysa (Dawan):- laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC- da,ayaa barnaamijeedii shalay ee doodda jimcaha waxay kaga hadashay oo ay ku qaadaa dhigtay dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay deegaanka dhoomay oo ka tirsan gobolka Sool.
Dooddii shalay ee bbc-Somali ka baxday oo ahayd mid gabi ahaanba dhinac ka rarnayd ayaa lagu sheegay in daminta colaaddaas aanay ogayn illaa hadda cid u gurmatay oo ku kala dhex jirta labada beelood ee walaalaha ah iyadoo wariyaha barnaamijka daadihinayay uu si cad u baal maray xaqiiqada dhabta ah iyo in deegaanka colaaddu ka dhacday ee laga hadlayo iyo beelaha dhibaatadu ka dhex dhacdayba in ay yihiin dad iyo dal Somaliland ah oo ka tirsan gobolka Sool isla markaana isla bbc-Somali, markii dagaal beeleedkaasi uu dhacay ay ka gurmatay xukuumadda Somaliland oo warka gurmadka dawladda Somaliland ugu baxday joojinta colaaddaas oo ka baxay isla bbc-somali in uu qiri kari waayay oo uu wariyuhu afkiisa ka sheegay in aanay ogayn illaa hadda cid gurmad nabadeed ugu baxay colaadda labada beelood ee Dhumay,iyadoo uu ku kala dhex jiro oo uu kala dhex galay ciidanka qaranka Somaliland sidaasna uu amar ku bixiyay Madaxweynaha qaranku Muuse Biixi Cabdi.
Waxaanay ahayd dooddii shalay ee bbc- Somali ay sii daysay mid gebi ahaanka lid ku ah qarannimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo dadka doodda ka qayb galay ay ahaayeen dhammaantood dad u dhashay Soomaaliya isla markaana aan qirayn ama ka soo hor jeeda gooni isu taagga iyo madaxbannaanida Somaliland.
Dhammaan dadka doodda ka qayb galayna waxay ka hadlayeen dawlad la’aan ka jirta Soomaaliya oo ay sheegeen in ay sabab u tahay dagaal beeleedyada oo ay ku sababeeyeen in dawladda Muqdisho aanay awood badan lahayn oo aanay waxba ka qaban karayn.
Waxaa kale oo ay dhul iyo dad reer Somaliland ah arrintooda xalkeeda ka doonayeen in ay ka hadlaan dad aan reer Somaliland ahayn una dhashay Soomaaliya,waxaa kale oo wax lala yaabo ahayd in wariyaha barnaamijka daadihinayay in uu xaqiiqada baal marsanaa oo uu dafiray dhammaan wararkii hore uga baxay isla idaacadda uu barnaamijka Somaliland diidka ah ka sii daynayay oo ahayd in dawladda Somaliland wefti culus oo kasocday in uu muddo laba bilood ah Laascaanood u joogay gogol nabadeed oo loo dhigay labada beelood isla markaana go’aamo ka soo bexeen.
Waxaa kale oo uu sheegi kari waayay wariyuhu maalintii colaadda dambe dhacday ee labada beelood dirireen in madaxweynaha Somaliland amar kasoo saaray daminta collaaddaas oo amar madaxweyne ciidanka qaranku ku kala dhex galay labada beelood ee walaalaha ah sidaasna uu ku joogsaday dagaalkii iyo dhimashiiba.
Waxaa kale oo wax lala yaabo ahayd in wariyaha iyo dadka doodda ka qayb galayayba ay mar walba ku celcelinayeen “dawladda federaalka iyo maamulada Somaliland,Khaatumo iyo Puntland maxay ku leeyihiin soo noq noqoshada colaadda labada beelood.”
Hadalkaasina wuxuu caddaynayaa in wariyaha barnaamijka daadihinayay iyo doodeyaashuba ay ka sinnaayeen iskuna bahaysteen dagaal ay ku soo qaadeen Somaliland iyo duudsiga qarannimadeeda.
Waxaa doodda ka qayb galay agaasimaha maxadka heritayj ee Muqdisho Cabdirashiid Xaashi,Cilmi Faarax webe oo uu sheegay wariyuhu in uu dawladdihii hore ee Soomaaliya ee ku meelgaadhka ahaa in uu xilal ka soo qabtay kana soo noqday guddoomiye gobol oo jooga Xamar, waxaa kale oo doodda ka qayb qaatay nin lagu magacaabo Guuleed Faarax oo lagu sheegay in uu yahay agaasimaha maxadka cilmi baadhista Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Garoowe.
Haddaba waxay is waydiintu tahay sababta bbc-somali, doodii jimcaha ee shalay ee ay kaga hadlaysay dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ku dhex maray deegaanka Dhuumay oo ah dhul iyo dad Somaliland ah in ay wax ka waydiiso dadkaa u dhashay dhammaantood Soomaaliya oo aaminsan wax mar hore laga soo gudbay iyo Somaliweyn wakhti hore lagu kala dhaqaaqay oo dhammaantood cadaw ku ah Somaliland ,iyadoola ogsoon yahay in aanay marnaba arrimaha Soomaaliya marka laga hadlayo doodoodu ay gaar u tayay Soomaaliya isla markaana haddii bbc-somali ay dhex dhexaad ka tahay arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya loo baahnaa in dadka iyo dalka Somaliland dood ku saabsan marka ay qabanayaan in ay ka waraystaan oo ay wax kawaydiiyaan Somalilan.
Waxaa kale oo muujinaysa in bbc-somali in aanay dhex u ahayn arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo caddayn dhaba u ah sida wariyaha doodda daadihinayay oo ahaa Cabdi Nuur Sheekh Isaxaaq sida uu isaga qudhiisu u marin habaabinayay xaqiiqada dhabta ah ee uu Somaliland dedaalka nabadeed ee ay labada beelood ku dhex gadhay uu meesha uga saaray iyo sida uu Somaliland uga mid dhigayay maamul goboleedyada Soomaaliya kuna tilmaamayay maamul goboleed ka mid ah Soomaaliya.
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa. “Soomaaliya iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaa taalla tacsida dad ka badan konton qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dhuumay oo ka tirsan gobolka Sool,inkastoo aanay maanta waxba dhicin hadana lama oga illaa hadda cid kala dhex gashay oo u kala gurmatay hadday maamulada tahay iyo hadday madaxdhaqameedka tahayba inkastoo baaqyo nabadeed la diray.”
Haddaba wariyaha sidaa hadalkiisa ku bilaabay isagoo jooga oo ka hadlayay isla idaacaddii uu ka baxay wararkii hore ee xukuumadda Somaliland nabadaynta labada beelood go’aamada ka soo saartay iyo isla maalintii dambe ee dagaalka dambe dhacay amarkii madaxweynaha Somaliland ku amray in ay ciidanka qaranku kala dhex galaan labada beelood taas oo suura gelisay in dagaal beeleedku halkaa isku taago.
Haddaba bbc-somali haddii ay noqotay idaacad laga hago oo laga maamulo madaxtooyada Soomaaliya,Somaliland waxay ka gudan doontaa tallaabada kaga aadan in ay ka hawl gasho Somaliland haddii ay tahay idaacad Ingiriis oo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya dhex ka ahna waa in maamulka bbc- somali ay tallaabo ka qaadaan wariyihii doodda jimcaha ee dhalay daadihnayay isla markaana waa in ay raalli gelin buuxda ka siiyaan qaranka Somaliland ee ay gefka ka galeen dad iyo dal Somaliland ahna ay cid aan qaranninada Somalilandba aqoonsanayn oo cadaw ku ah doodda u siiyeen.
Dawannews Hargeysa office