Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo si Adag ugu Jawaabay Xisbiyada Mucaaridka

0
396

Baligubadle (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasin Maxamed Shide,ayaa jawaab ka bixiyay hadalokasooyeedhay labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI oo maalmihii u dambeeyay ka hadlayay khilaaf ay sheegeen in uu ka dhex jiro golaha deegaanka degmada Balligubadle oo ay sheegeen in xukuumaddu ciidan u adeegsatay oo ay xarunta dawladda hoose xoog kula wareegtay.

Yaasin Maxamed Shide gudoomiyaha gobolka Hawd waxaa kale oo uu sheegay in ay dahmmeeyeen khilaafkiika dhex taagnaa xubnaha golaha deegaanka degmada Balligubadle oo ay is afgarad ka gaadheen isla markaana ay xildhibaanada isla qaateen in ay sidoodii hore u wada shaqeeyaan oo umadda loo wada adeego.

Waxaanu uga mahad naqay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo si weyn ugalashaqeeyay soo afjaridda khilaafkii xubnaha golaha deegaanka Balligubadle.

Waxaanu intaa raaciyay in xisbiyada mucaaridku meel aan xumaani jirin oon waxba oollin in ay xumaan ka dhex raadiyanaan taasoo uu tilmaamay in aanay ka dhex helayn maamulka gobolka Hawd iyo xubnaha xildhibaanada degmada Balligubadle.

Gudoomiyaha gobolka Hawd mudane Yaasin Maxamaed Shide isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Gobolku waa nabadgeliyo waanu roobban yahay haddii nimcadda ILLAAHAY inna siiyay aynu ugu mahad naqno ALLE wuu inoo siyaadinayaa, waxaanu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed uga mahad celineyna sidii wanaagsaneyd ee uu noogala shaqeeyay khilaafkii golaha deegaanka ee degmadda Baligubadle”

Gudoomiye Yaasin waxaa uu sheegay in khilaafkii golaha deegaanka Baligubadle xal laga gaadhay isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waanu soo afmeeray khilaafkii golaha deegaanka ee degmadda Baligubadle si fiicanna waanu u heshiiney in umadda loo shaqeeyo oo sidii hore ay ugu shaqeyn jireen ay ugu shaqeeyaanna waanu ku heshiiney, maamulkoodii hore inay la shaqeeyaan ayaanu ku heshiinay, mooshinka ay wadaana sida sharciga ah ay u raadsaddaan”

“Labadda xisbi mucaarid meel walba lama qodo ee meesha ay wax ku jiraan ayaa la qodaa ayaan leeyahay, Balligubadle iyo xildhibaanadeeda wax aad isaga hor keentaan meesha ma yaallaan, xisbiga WADDANI meel shaqaaqo ka dhacday oo Somaliland ah oo uu wali dhex istaagey ma jiro, hase ahaate colaada ayuu soo saara xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Hawd mudane Yaasin Maxamed Shide.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply